Hoggaamiye Katirsan Ururka Xamaas oo Lagu Dilay Magaalada Ghaza Ee Dhulka Filasdiin.

Saturday March 25, 2017 - 10:17:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye Katirsan Ururka Xamaas oo Lagu Dilay Magaalada Ghaza Ee Dhulka Filasdiin.

    Kooxo hubeysan oo loo malaynayo in ay katirsanyihiin sirdoonka Yahuudda ayaa magaalada Ghaza ku dilay hoggaamiye sare oo katirsan xarakada wax iska caabinta islaamiga Xamaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan oo loo malaynayo in ay katirsanyihiin sirdoonka Yahuudda ayaa magaalada Ghaza ku dilay hoggaamiye sare oo katirsan xarakada wax iska caabinta islaamiga Xamaas.


Wararka ka imaanaya dhulalka Filasdiin ee Yahuuddu gumeysato ayaa sheegaya in ladilay Hoggaamiye Maazin Fuqahaa oo katirsanaa saraakiisha Xamaas.

Afhayeen u hadlay maamulka magaalada Ghaza ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in rag hubeysan ay Afar Xabadood madaxa kala dhaceen Maazin xilli uu ku sugnaa xaafadda Talal Hawaa ee Koonfurta magaalada Ghaza.

Xamaas ayaa mas’uuliyadda dilkan ku eedaysay maamulka Yahuudda, saraakiisha ammaanka waxay sheegeen in dilka Hoggaamiye Maazin loo adeegsaday hubka aan dhawaqa laheyn.


Allaha u naxariistee Maazim Fuqahaa ayaa laga xureeyay gacanta yahuudda sanaddii 2011 xiligaas oo lagusoo daayay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo dhaxmaray Xamaas iyo waxa loogu yeero ‘israa’iil’.

Sirdoonka Yahuudda oo galaangal dhanka ammaanka ah ku leh wadamada Carabta ayaa dhowr mar khaarijiyay saraakiil katirsanaa kooxaha muqaawamada Filasdiin.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items