Hoggaamiye Katirsan Ururka Al Qaacidda oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Dalka Afghanistan.

Sunday March 26, 2017 - 16:37:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye Katirsan Ururka Al Qaacidda oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Dalka Afghanistan.

    Wasaaradda G/dhigga dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fulisay wadanka Afghanistan ay ku dishay hoggaamiye sare oo katirsan Ururka Al Qaacidda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda G/dhigga dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fulisay wadanka Afghanistan ay ku dishay hoggaamiye sare oo katirsan Ururka Al Qaacidda.


Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in duqeyn ka dhacday gobolka Baktiya ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan ay ku dileen Qaari Yaasiin oo kamid ahaa saraakiisha Al Qaacidda ee Afghanistan.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Qaari in uu ku lug lahaa qarax lagu dilay askar Mareykan ah oo ka dhacay magaalada Islam’abad ee dalka Pakistan sanaddii 2009.

Duqeynta ka dhacday Afghanistan ayaa lagu dilay Qaari Yaasiin iyo sedax qof oo la socday, Mareykanka ayaa sare uqaaday duqeymaha uu u adeegsanayo diyaaradaha Drone-ka  isagoona bishii lasoo dhaafay dilay saraakiil katirsan xarakada Taliban.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items