Farmaajo "Xildhibaanada Sharafta leh Waxaan Ka Codsanayaa in Codka Kalsoonida ay Siiyaan Xukuumadda Cusub".

Monday March 27, 2017 - 08:39:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo "Xildhibaanada Sharafta leh Waxaan Ka Codsanayaa in Codka Kalsoonida ay Siiyaan Xukuumadda Cusub".

    Waxaa sii xoogeystay ismariwaaga u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka R/wasaaraha Dowladda Federaalka kaasi oo ku aaddan xubnaha golaha wasiirrada ee isbuucii lasoo dhaafay lagu dhawaaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

farmaajo ayaa umadax raariciyay ciidamada Kenya
Waxaa sii xoogeystay ismariwaaga u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka R/wasaaraha Dowladda Federaalka kaasi oo ku aaddan xubnaha golaha wasiirrada ee isbuucii lasoo dhaafay lagu dhawaaqay.



Guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaano boqolaal ah ayaa la sheegay in ay caqabad ku yihiin ansixinta golaha wasiirrada iyagoo shuruudo adag ku xiray.

Warqad uu maalmo ka hor qoray Max’med Cismaan Jawaari oo ku socotay R/wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa arrinta sii murjisay arrinkaas oo keenay in  Farmaajo uu faragelin ku sameeyo diidmada laga muujinayo xukuumadda cusub.

Farmaajo oo hadal kooban jeediyay ayaa ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka in si dhaqsi ah ay u ansixiyaan xukuumadda cusub.



"Xildhibaanada sharafta leh waxaan ka codsanayaa in ay ansixiyaan xukuumadda cusub,runtii waa wasiirro taya leh oo taariikhdooda layaqaan”ayuu yiri Farmaajo.

Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa hadalkiisa laga dareemayay walaaca uu ka qabo khilaafka siyaasadeed ee dowladdiisu ku bilaabatay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

 

Related Items