Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad leh Ku Ansaxiyay Xukuumadda Xasan Kheyre.

Wednesday March 29, 2017 - 19:55:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad leh Ku Ansaxiyay Xukuumadda Xasan Kheyre.

    Fadhi ay xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay dood dheer kadib ku ansixiyeen xukuumadda cusub ee Baarlamaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhi ay xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay dood dheer kadib ku ansixiyeen xukuumadda cusub ee Baarlamaanka DF-ka.

C/wali Muudeey oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in 224 xildhibaan ay si cagan taag ah ku ansixiyeen xukuumadda halka 15 xildhibaan ay diideen sidoo kale waxaa ka aamusay afar xildhibaan.

Xassan Cali Kheyre R/wasaaraha dowladda Federaalka ayaa go’aanka uu baarlamaanku qaatay ku tilmaamay mid Taariikhi ah  wuxuuna sheegay in golihiisa wasiirrada ay wax badan qaban doonaan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray guux ah in xildhibaanada Baarlamaanka ay diidanyihiin xukuumadda cusub.


Farmaajo iyo Kheyre ayaa labadii maalmood ee tagay Hoteellada kula kulmayay xildhibaanada xukuumadda Mucaaradsan waxaana jira heshiisyo hoose iyo ballanqaadyo la sheegay in loo sameeyay xildhibaanadii diidanaa in xukuumadda la ansaxiyo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items