Sarkaal Katirsanaa Dowladda Hoose oo Lagu Dilay Xaafadda Siinaay Ee Magaalada Muqdisho.

Thursday March 30, 2017 - 10:46:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Dowladda Hoose oo Lagu Dilay Xaafadda Siinaay Ee Magaalada Muqdisho.

    Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dilalka ka dhanka ah DF-ka ayaa joogta ah Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka.



Markale Xoogag  hubeysan ayaa gudaha  Suuqa xaafada Siinaay ee Degmada Wardhiigleey  ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan maamulka dowladda Hoose.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Gacmo Gaab ayaa  ahaa madaxii Canshuuraha Suuqa Siinaay  oo kamid ah suuqyada ugu waaweyn degmada Wardhiigleey.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen mana jirin wax ciidan ah oo dabagal ku sameeyay.

Ma ahan markii ugu horraysay oo sarkaal katirsan Dowladda Federaalka lagu dilo degmooyin katirsan magaalada Muqdisho, xarakada Al Shabaab ayaa dhowr mar sheegatay mas'uuliyadda dilalka ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items