Wasiirka G/dhigga Itoobiya Siraaj Faqiisa ayaa khudbad uu ka horjeediyay
xildhibaanada Baarlamaanka wuxuu ku sheegay in mudaaharaadyada iyo weerarada ay
geysanayaan wax uu ugu yeeray Argagaxiso ay wali kasii socdaan wadanka sidaas
daraadeed loo baahanyahay in waqti dheeri ah lagu daro xaaladda degdegga ah ee
wadanka saaran.
Idaacadda FANA ee ku hadasha Afka xukuumadda ayaa baahisay in xildhibaanada Baarlamaanka
ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in Afar Bilood oo dheeri ah lagu daro
xaaladad degdegga ah ee wadanka lagusoo rogay.
Wasiirka difaaca oo ah Ninka loo xil saaray dambinta kacdoonka ka dhanka ah
xukuumadda Tigreega ayaa warbaahinta u sheegay in 80% laga mira dhaliyay
xaaladdii Bandawga balse wadanku uu wali wajahayo xaalad adag.
Dhinaca kale wasaaradda arrimaha gudaha Itoobiya ayaa soo saartay digniin cusub
oo ku wajahan dublumaasiyiinta iyo dalxiisayaasha shisyeeye ee wadanka ku sugan
in aysan ka bixi Karin magaalada Addis Ababa masaafo ka fog 40 KM sababa ammaan
darro aawgeed.
Hay’adaha sheegta xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay xabsiyada
ku gurtay kumanaan qof oo kasoo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada kuwaasi
oo hoggaaminaya kacdoonka dhiigga faraha badan ku daatay.
Bishii October 2016 ayuu R/wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay 6 bilood oo xaalad
degdeg ah balse waxaa muuqata in Afar bilood oo dheeri ah lagu daray.
Itoobiya ayaa shan kamid ah kooxaha hubeysan ee ka dagaallama wadanka ku dartay liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.
Kooxaha mucaaradka ayaa sheegaya in wali ay socdaan kacdoonada shacbiga ah ee
lagu dalbanayo isbedel dhanka maamulka ah iyagoona dowladaha reer galbeedka ugu
baaqay in ay xaaladda liidata ee Itoobiya ka jirta soo farageliyaan.
Isha Warka: Alhayat.com
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Afar Bilood Dheeri Ah oo Lagu Daray Xaaladda Degdegga Ah Ee Saaran Wadanka Itoobiya WARBIXIN,
Kadib kulan xasaasi ah oo xildhibaanada baarlamaanka wadanka Itoobiya ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayay ku ansixiyeen in la kordhiyo xaalad degdeg ah ee wadanka saaran.