Trump Oo Ku Dhawaaqay in Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya Ay Tahay "Aag-Dagaal" Muddo Lix Bilood Ah (WARBIXIN).

Friday March 31, 2017 - 11:14:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Ku Dhawaaqay in Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya Ay Tahay "Aag-Dagaal" Muddo Lix Bilood Ah (WARBIXIN).

    Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald J. Trump ayaa fududeeyey qaar ka mid xeerarka ka hortagaya khasaaraha shacabka marka military-ga Mareykanka ay fuliyaan weerarada "Argigixiso La dirirka ah" ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, iyagoona d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald J. Trump ayaa fududeeyey qaar ka mid xeerarka ka hortagaya khasaaraha shacabka marka military-ga Mareykanka ay fuliyaan weerarada "Argigixiso La dirirka ah" ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, iyagoona dajiyey qorshe lagu sii laba jibaarayo ololaha ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee geeska Africa.



Wargeyska New York Times oo soo xiganaya Saraakiil American ah ayaa yiri "Go’aankan ayaa taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) siinaya xuriyad ama madaxbanaani ay ku fulin karaan duqeymaha iyo weerarada gaadmada ah ee ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab, iyadoo aanan ogeysiinin taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano CENTCOM”.

Qorshahan ayaa ah mid sii kordhinaya ololaha dagaal ee Mareykanka uu kaga jiro Soomaaliya, waxaana suural ah in ciidamada Mareykanka ay si indha la’aan ah u fuliyaan weerarada iyagoo aanan kala sooceynin shacabka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.



Turmp ayaa arbacadii la soo dhaafay ansixiyey qorshe uu ku cadeynayo in qeybo ka mid ah Soomaaliya ay tahay "Mandiqad Dagaal” oo ay ka dhaqan geliyaan xeerarka u daggan goobaha dagaal muddo lix bilood ah sida ay xaqiijiyeen Saraakiil American ah oo diiday in magacyadooda la shaaciyo.

Wargeyska New York Times ayaa goor sii horeysay ku soo warramay in wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ay dalbatay qorshe lagu ballaarinayo awoodda howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya, Waxaana arrintaas jimcihii la soo dhaafay xaqiijiyey taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa Thomas D. Waldhauser kaas oo sheegay in ay raadinayaa qorshe lagu qafiifinayo waxyaabaha ka hortaagan fulinta weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Jeff Davis oo ah Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa isna horay u qiray in Donald Trump uu ansixiyey qorshe uu jeediyey Pentagon-ka oo ahaa in la ballaariyo awoodooda bartilmaameedka "si loo wiiqo Al-Shabaab” Iyadoo lala shaqeynayo ciidamada Afrikaanta iyo maleeshiyaatka Soomaalida ah.

Markii hore, marka la fuliyo duqeymo iyo weeraro gaadmo ah, wuxuu military-ga Mareykanka ku qasbanaa in raaco xeerarkii uu sanadkii 2013-ka soo saaray Obama ee quseeyey weerarada "Argigixiso la dirirka ee laga fulinayo meelaha ka baxsan goobaha dagaalada joogtada ah ay ka socdaan sida Ciraaq iyo Afghanistan oo kale.

Xeerarkaas waxaa loo yaqaanay "Towjiihaadka siyaasadda ee madaxweynaha” waxaa shuruudihiisa ka mid ahaa in hadafka la beegsanayo uu yahay mid halis ku ah Mareykanka ama danihiisa iyo in meesha la beegsanayo aysan ka dhaweyn dad shacab ah, lana hubo in wax khasaare rayad ah uusan halkaas ka dhalan doonin.

Laakiin qorshahan cusub wuxuu taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) u ogolaanayaa in Soomaaliya ay kula dhaqmaan xeerarka dagaalka, ayna fulin karaan weerarada iyagoo aanan kala fiirineynin qofkaas ma Mareykanka buu halis ku yahay mise kuma ahan, tani waxay ka dhigan tahay in Abaanduule-yaashu ay amri karaan beegsashada dadka loo maleeyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Go’aankan uu meelmariyey Trump ee sida tooska ah u saameynaya dadka rayidka ah ayaa imaanaya iyadoo dalka ay kajiraan Abaara ba’an oo saameeyey malaayiin Soomaali ah oo ku dhaqan gobolada Soomaaliya, waxaana isweydiin leh masiirka dadka Soomaaliyeed haddii ay ku kulmaan musiibooyinka Abaaraha iyo siyaasadda qar iska xoorka ah ee Trump.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo Muqdisho
[email protected]

Related Items