Aadan Barre Ducaale "Uhuro kenyaata waa nin daarood ah, oo absame kasii ah" Dhageyso.

Saturday April 01, 2017 - 08:12:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Barre Ducaale "Uhuro kenyaata waa nin daarood ah, oo absame kasii ah" Dhageyso.

    Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayaa Warbixin ka diyaarisay hadal dhawaan kasoo yeeray Mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka Kenya kaas oo sheegay in Uhuru Kenyatta uu yahay Soomaali!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayaa Warbixin ka diyaarisay hadal dhawaan kasoo yeeray Mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka Kenya kaas oo sheegay in Uhuru Kenyatta uu yahay Soomaali!


Inta badan siyaasiyiinta maqaar saarka ah ee soomaalidu waxay ku hadlaan war ay ku raalli gelinayaan kuwa ay sida daacadda ah ugu adeegaan geesta kalena ay ku baadiyaynayaan bulshada soomaalida oo ay tubta saxan uga leexinayaan.

Aadan Barre Ducaale wuxuu ka mid d yahay soomaalida Kenya gumeysato ee loogu sheekeeyay in ay kenyaati yihiin.

Waa xildhibaan ka tirsan Baarlmaanka Kenya iminkana waxa uu ku howlan yahay olalaha madaxweynaha Kenya Uhuru kenyaata iyo saaxiibadiis ku doonayaan in ay kuraasta ku difaacdaan maadaama doorasho soo sacoto.



Uhuro kenyaata waa nin kirishtaan ah oo ka dhashay qabiilka kuukuuyo laakiin Aadan barre Ducaale waxa uu dadka ka dhaadhicinayaa in uu kasoo jeedo qabiilka daarood oo kamid ah qabaa'illada Soomaaliyeed arrinkaasi oo dad badan ay la yaabeen.

Arinta la yaab kale leh ayaa ah in Uhuru Kenyatta uu  madaxweynaha dowladda Federaalka ah u sheegay in uu yahay Nin doorood ah asiguna ku yiri "fariid baad tahay aniguna waxaan ahay daarood ee adna soo gal”.

Qisadan waxaa ka sheekeeyay Ninka dabadhilifka ah ee lagu magacaabo Aadan Barre Ducaale kaasi oo sida muuqata isku dayaya in shacabka ku dhaqan Jubbooyinka iyo NFD uu si toos ah dowladda Kenya gacanta ugu geliyo.

Indheer garadka beesha la ifaajeeyey ee la lagu suntay in Uhuru  ka dhashay ayaa seefta gasha kala baxay waxaanay ku hadleen erayo nool oo muujinaya sida ay xajiimoodeen weerarka qallafsan ee fagaaraha lala soo joogsaday.

Waxgaradkan oo u warramay Idaacadda islaamiga Alfurqaan ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Uhuru iyo Aadan Barre Ducaale uu yahay mid been abuur ah islamarkaana qabiilka daarood yahay qabiil muslim ah oo taariikh fac weyn leh.

Halkan ka dhageyso Beenta Aadan Barre iyo Jawaabta Daarood MP3

Isha Maqalka: Radio Alfurqaan

Related Items