Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Ciidamada AMISOM lagula Beegsaday Duleedka Degmada Afgooye.

Saturday April 01, 2017 - 09:47:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay oo Ciidamada AMISOM lagula Beegsaday Duleedka Degmada Afgooye.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay weeraro is xigxigay oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan Gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay weeraro is xigxigay oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan Gobolka Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in laba qarax lala helay kolonyo katirsan ciidamada AMISOM xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Caddoow Dibile ee duleedka Afgooye.

Wariye ku sugan Sh/hoose ayaa soo sheegay in qaraxa koowaad ciidamada AMISOM looga gubay gaari gaashaaman halka qaraxa labaad oo ka dhacay No.50 gaari xamuul ah looga waxyeeleeyay.

Kolonyada gaaadiidka AMISOM ee qaraxyada lagu weeraray ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho waxayna kusii jeedeen saldhigyo kuyaal deegaanada Shalaanbood iyo Buula Mareer halkaas oo ay saad u daad gureynayeen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items