Video+Warbixin: Sheekh Axmed iimaan Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Weerarkii Kulbiyoow Ee Ciidanka Badan Looga Laayay Kenya.

Saturday April 01, 2017 - 11:22:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Video+Warbixin: Sheekh Axmed iimaan Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Weerarkii Kulbiyoow Ee Ciidanka Badan Looga Laayay Kenya.

    Mu'asasada Al-kataa'ib ayaa baahisay Kalimad uu jeedinayo Sheykh Axmed Iimaan Cali oo ah hogaamiye Muhaajir ah oo ka mid ah mas'uuliyiinta Xarakada Al-Shabaab, taas oo uu sheekhu kaga hadlayo guulihii ugu dambeeyey ee Xarakadu soo hoys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Al-kataa'ib ayaa baahisay Kalimad uu jeedinayo Sheykh Axmed Iimaan Cali oo ah hogaamiye Muhaajir ah oo ka mid ah mas'uuliyiinta Xarakada Al-Shabaab, taas oo uu sheekhu kaga hadlayo guulihii ugu dambeeyey ee Xarakadu soo hoysay oo uu ku jiro weerarkii halyeeynimo ee Kulbiyow ee dhamaadkii bishii Jamaadul Awal ay mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidamada ee deegaanka Kulbiyow.



Kalimaddan oo la dhageysan karo muddo 17 daqiiqo ah, kuna baxeyso luuqadaha Sawaaxiliga iyo English-ka ayaa wuxuu Sheykh Axmed Iimaan kaga hadlay wixii ka dhacay xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow kadib markii halyeeyada katiibada Ashahiid Saalix Nabhaan ay xoog ku galeen halkaasi, Wuxuuna tilmaamay in mujaahidiinta uu Allaah ku maneystay guulweyn, islamarkaana ay halkaas ku laayeen cadow badan.



"Dagaalkii Kulbiyow Wuxuu ahaa dagaal uu Allaah nagu siiyey gacanta sare oo aan kaga guuleysanay gaalada. Waan galnay xerada cadowga, waxaan laynay gaallo badan oo iyaga ka mid ah, waana soo ganiimeysanay wixii agab iyo hub ahaa ee uu cadowga ka cararay. Qaar walaaladeena ka mid ahna Allaah wuxuu ku siiyey Shahaado, waxaan Allaah weydiisaneynaa in uu ka aqbalo shahaadadooda, sidoo kalena uu caafiyo walaaladii kale ee ku dhaawacmay dagaalka” ayuu yiri Sheykh Axmed.

Kalimadan oo Sheykh Axmed Iimaan Cali uu ka horjeediyey ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Al Shabaab, ayaa sidoo kale madaxweynaha iyo shacabka Kenya u sheegay in halyeeyada askartooda kula dagaalamaya Soomaaliya gaar ahaan Katiibada Saalix Nabhaan oo laba jeer weerartay saldhigyada ciidankooda ay yihiin rag u Oomaan dhiigga shisheeyaha Kenya, islamarkaana raadinaya Shahaado iyo raaligelinta Allaah, Isagoona tilmaamay in askarta katiibadaas ay galaan beycatul-mowt marka weerarayaan xeryaha iyo saldhigyada cadowga.

"Waxaan doonayaa in shacabka Kenya iyo madaxweynahooda Uhuru Kenyatta aan ogeysiiyo in marka katiibada Saalix Nabhaan ay galeyso ama iqtixaameyso xero uu cadowgu leeyahay in mid kasta oo askarteeda ka mid ah uu galay beycatul-Mowt. Waxay diyaar u yihiin in ay weeraraan xeryaha cadowga xitaa haddii hal qof oo iyaga ka mid ah uusan dib u soo noqoneynin. Ujeedkeenuna waa guul ama shahaado. Taasi waa yoolka aan hiigsaneyno. Marka waa in ay ogaadaan in aysan wax walwal ah nagu heynin marka ay sheeganayaan in ay dileen qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Dila dhamaantood hadaad doontaan, wax qoomamo ama walwal ah naguma yeelanayo dilkooda. Tani waa nicmo uu Allaah nagu maneystay sababtoo ah waxaan hiigsaneynaa laba midkood. Waa Nasri ama shahaado. Imaa in aad na dishaan oo aan gaarno manzilada Shuhadada ama in aan idinka guuleysano oo aan hubkiina ganiimeysano” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wadaadkan Muhaajirka ah oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Kenya ayaa sheegay in gaalada ku nool Mandiqadda si gaar ah saliibiyiinta Kenya ay musiibooyin isdaba joog ah kala kulmi doonaan jiilka hadda soo kacaya oo uu sheegay in ay yihiin kuwo aanan weligood gaalada kula kulmin meel aan ahayn goobaha dagaalka. Wuxuu sheegay in iyaga ay ku dhasheen, ku soo barbaareen dhulalka gaalada, kuna soo waxbarteen dhalalka gaalada balse wuxuu sheegay in jiilka hadda soo baxaya uu yahay jiilal gaalada kula mucaamila kaliya luuqadda hubka iyo baaruudda.

Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jirta ciidanka Melleteriga Kenya ee duullaanka kusoo qaaday gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose, hoggaanka Al Shabaab ayaa dhowr mar ugu baaqay dowladda Kenya in ciidankeeda dalka kala baxdo haddii kale weeraradu kusii socan doonaan.

Halkan ka Daawo Video-ga MP4

ama qaab kale ku degso MP4




Related Items