Sawirro: Fatahaado 300 oo Qof Ku Dilay Magaalo Dhacda Koonfur Galbeed Wadanka Colombia.

Sunday April 02, 2017 - 14:07:49 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Fatahaado 300 oo Qof Ku Dilay Magaalo Dhacda Koonfur Galbeed Wadanka Colombia.

    Boqolaal qof ayaa dhimatay tobanaan kalane waa lala'yahay kadib markii roobab daadad wata ay ku dhufteen wadanka Colombia oo kamid ah wadamada qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa dhimatay tobanaan kalane waa lala'yahay kadib markii roobab daadad wata ay ku dhufteen wadanka Colombia oo kamid ah wadamada qaaradda America.



Wararka ka imaanaya magaalada Moko ee dhacda Koonfur galbeed wadanka Colombia ayaa sheegaya in dhooqo ay ku duntay boqolaal guri oo dad shacab ah deganaayeen.

Fatahaado uu sameeyay wabiga wadanka Ugu weyn ayaa sababay in dhulku go’o islamarkaana dhooqadu daboosho guryo dad deganaayeen.

Taliyaha ciidanka Melleteriga Colombia ayaa xaqiijiyay in kumanaan askari oo dheeri ah loo daad gureeyay magaalada dhibaatadu ka jirto.



كولومبيا
كولومبيا
 Sawirro lagasii daayay Telefeshinka qaranka wadankaasi waxaa kasoo muuqanayay dhooqada oo guryo qarisay iyon buundooyin ay qaadeen daadka fatahaadaha ka dhashay.

Cimillada oo aad u xun ayaa qeyb ka ah in khasaaraha dhimashadu sii kordho sababa la xiriira gurmadka oo aan si degdeg ah ku tagi Karin deegaanada musiibooyinku ka dhaceen.

Juan Manuel Santos oo ah madaxweynaha Colombia ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka ku hoos xanibay geedaha iyo guryaha.

Gaadiid waddooyinka laamiga ah ayay si lama filaan ah u qaadeen daadadka waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu gaarto 400 oo qof sida uu sheegay sarkaal u hadlay hay’adda Bisha Cas ee wadanka Colombia.

Guddoomiyaha gobolka Moko ayaa warbaahinta u sheegay in dhul go’u uu saameeyay dhowr xaafadood islamarkaana dhooqadu ay qarisay tobanaan qoys oo boqolaal qoys ay deganaayeen.

Fatahaadaha wabiga Moko ayaa sababay in dhooqadu isku bedesho dhul go’o halaag badan dhaxashiisay boqolaal qof oo reer Colombia ah.


 

Related Items