Sawirro+ Warbixin: Ceelbuur Waa Magaalo Ceynkee Ah Maxayse Ka Dhigantahay la Wareegisteeda?.

Monday April 03, 2017 - 13:20:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+ Warbixin: Ceelbuur Waa Magaalo Ceynkee Ah Maxayse Ka Dhigantahay la Wareegisteeda?.

    Ceelbuur waa magaalo qaddiimi ah oo dhacda gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceelbuur waa magaalo qaddiimi ah oo dhacda gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Magaaladan istiraatiijiga ah ee Ceelbuur ayaa magaalada Muqdisho dhanka Waqooyi Bari uga began qiyaastii 386 KM.

Ceelbuur waa magaalo dadkeedu caan ku yihiin geesinimo iyo diin jaceyl, reer Ceelbuur ayaa kaalin weyn ka qaatay xureynta dalka Soomaaliya lagasoo bilaabo dagaalladii lala galay gumeystahii Talyaaniga illaa iyo Xabashida Itoobiya.

Ceelbuur waa magaalo qeyb weyn ku leh wax soo saarka dalka iyo dhaqaalihiisa, magaalada waxaa lagasoo saaraa Burjikada laga isticmaalo dhammaan magaalooyinka iyo gobollada dalka Soomaaliya.


Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa laba jeer gumeysi ku qabsaday magaaladan waxayna kala ahaayeen bilihii Maarso ee sanadihii 2012 iyo 2014.

Markii cadowga qabsaday Ceelbuur dhammaan shacabkii deganaa ayaa isaga barakacay taasi oo cadowga ku qasabtay in ay ku cidloodaan ugu dambeyna ay isaga baxaan.



Sidoo kale duleedka Ceelbuur waxaa kuyaal beero sanad walba ay kasoo ga’aan dalagyo kala duwan haba ugu badnaato digirta, magaaladan istiraatiijiga ah ma ahan oomane ee waa magaalo ay ku hareeraysanyihiin ceelal biyood.

La wareegista magaalada Ceelbuur ee dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhigan guul weyn oo soo hoyatay umadda Soomaaliyeed waxaana qasab ku noqon doonta ciidamada Itoobiya in ay isaga baxaan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ceelbuur oo ah magaalo leh taariikh facweyn iyo muhiimad dhan walba ah shaki kuma jiro in dib loogu maamuli doono ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Falanqeeyayaasha melleteriga waxay aaminsanyihiin in weerarada ku dhufo oo dhaqaaqa ah iyo siyaasadda go'doominta ay qeyb weyn ku laheyd in Itoobiyaanku dharaar cad isaga cararaan magaalada.

Hoos Ka Daawo Sawirro ay Shabakadda SomaliMeMo kasoo qaadday Magaalada Ceelbuur sanaddii 2013.





Related Items