Sheekh Xasan Yacquub "Dadka Magaalada Ceelbuur Ee Cadowga Saaristiisa Kaalin Ka Geystay Ku Dayasho Ayay Mudanyihiin" Dhageyso.

Wednesday April 05, 2017 - 19:33:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Xasan Yacquub "Dadka Magaalada Ceelbuur Ee Cadowga Saaristiisa Kaalin Ka Geystay Ku Dayasho Ayay Mudanyihiin" Dhageyso.

    Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saartay bixitaankii ciidamada Xabashida Itoobiya ee magaalada Ceelbuur iyo dib u qabsashada Mujaahidiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saartay bixitaankii ciidamada Xabashida Itoobiya ee magaalada Ceelbuur iyo dib u qabsashada Mujaahidiinta.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah waaliga wilaayada Galguduud ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Islaamiga Alfurqaan ku faah faahiyay la wareegista magaalada iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay in go’doomin qaadatay muddo sedax sanadood ah iyo weeraro dhabagal ah oo ay la kulmeen ciidamada Xabashida Itoobiya ay ugu dambeyn magaalada isaga carareen.

Sheekha ayaa u mahad celiyay dadka deegaanka oo uu sheegay in ay kaalin weyn ka qaateen halgankii dheeraa ee cadawga shisheeye lalagalay.


Xarakada Al Shabaab waxay ballan qaaday in ay dib u dhis ku sameyn doonto magaalada Ceelbuur oo burburin baaxad leh kala kulantay ciidamada Xabashida Itoobiya.

Sheekh Xasan Yacqub Cali ayaa shacabka ku dhaqan magaalooyinka wali gacanta ciidamada shisheeye kujira ugu baaqay in ay qaataan go’aankii guusha u horseeday reer Ceelbuur oo ay isbarbar taagaan halganka lagula jiro soo duulayaasha shisheeye.

Halkan ka degso Wareysiga Sheekh Xasan Yacquub MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items