Dhageyso: Beesha Murusade oo Bogaadisay Dib U Xureynta Magaalada Ceelbuur Ee Gobolka Galguduud.

Tuesday April 04, 2017 - 10:00:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Beesha Murusade oo Bogaadisay Dib U Xureynta Magaalada Ceelbuur Ee Gobolka Galguduud.

    Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa bogaadin iyo hambalyo u jeediyay shacabka ku dhaqan gobolka Galguduud oo ku aaddan dib u xureyntii magaalada Ceelbuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Ugaaska Beesha Murusade
Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa bogaadin iyo hambalyo u jeediyay shacabka ku dhaqan gobolka Galguduud oo ku aaddan dib u xureyntii magaalada Ceelbuur.


Ugaaska guud ee Beesha Mursade Ugaas Cabdullaahi Daahir Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa  bogaadiyay la wareegidda Ceelbuur isagoona ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dib udajin loogu sameyn lahaa kumanaan qoys oo guryahooda isaga barakacay sedax sanadood ka hor xilligaas oo magaaladu gacan cadaw gashay.

Wuxuu ammaan ballaaran u jeediyay Beelaha iyo Bulshada Reer Ceelbuur kuwaasi oo markii Saddex sano ka hor Xabshida Itoobiya duulaanka kusoo qaaday degmada gabi ahaan isaga haajiray, qabaa'iladda Soomaalida ee ku nool magaalooyinka gacanta cadawga shisheeye kujira ayuu ugu baaqay in ay ku daydaan reer Ceelbuur ayna ka qeyb qaataan halganka lagula jiro shisheeyaha soo duulay.


Warkan kasoo yeeray Beesha Murusade ayaa imaanaya maalin kadib markii ay ciidamada gumeysiga itoobiya isaga firxadeen degmada Ceelbuur oo ah magaalo istiraatiiji ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items