Sawir: isbedel Ku Yimid Qaab Maamuleedka Khariiradda Dalka Soomaaliya (Map Cusub).

Tuesday April 04, 2017 - 14:02:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir: isbedel Ku Yimid Qaab Maamuleedka Khariiradda Dalka Soomaaliya (Map Cusub).

    isbedello ballaaran ayaa ku yimid gacan ku heynta dhul baaxad leh oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya kadib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen magaalooyin hor leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isbedello ballaaran ayaa ku yimid gacan ku heynta dhul baaxad leh oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya kadib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen magaalooyin hor leh.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa isku fidiyay magaalooyin iyo deegaano istiraatiiji ah, khariirad cusub oo uu soo saaray markazka daraasaadka NORS ayaa baahiyay Map cusub oo muujinaya awoodda Al Shabab ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

Khariiraddan cusub waxaa kasoo muuqanaya magaalooyinka ay kala maamulaan dhinacyada ku loolamaya siyaasadda iyo maamulka Soomaaliya.

Sanaddii Lasoo dhaafay ayay Al Shabaab dhulkii ugu ballaarnaa ka qabsatay gobollada Hiiraan,Bakool iyo Galguduud waxaana lafilayaa in bilaha soo socda ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ay isaga firxadaan dhul hor leh.



1-Calaamadda Cagaaran waa dhulka ay Al Shabaab Maamusho.

2-Calaamadda Guduudan waa dhulka ay Maamulkaan AMISOM iyo DF-ka.

3-Calaamadda Jaallaha waa dhulka ay maamulaan Galmudug iyo Maleeshiyaadka Suufida.

4-Calaamadda Kallarka Qaxwada u eg waa dhulka uu kataliyo maamulka Puntland.

5-Calaamadda Xariijinta waa dhulka furan oo ay isku heystaan ‘Somaliland’ iyo ‘Puntland’.

6-Calaamadda Buluugga Biya biyaha ah waa dhulka uu ka arrimiyo maamulka ‘Somaliland’.


Si Sawirku kuugu weynaado khariiradda dusheeda Click dheh




Halkan kala deg Map-ka oo Tayadiisu sarreyso

Related Items