Dowladda Itoobiya oo Ka Hadashay Sababta Ay Ciidamadeedu Uga Baxeen Degmada Ceelbuur Eedayna Ujeedisay DF-ka.

Tuesday April 04, 2017 - 12:42:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo Ka Hadashay Sababta Ay Ciidamadeedu Uga Baxeen Degmada Ceelbuur Eedayna Ujeedisay DF-ka.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadoodu ay isaga baxeen magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadoodu ay isaga baxeen magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Kamaaludiin Mustafa oo ah safiirka Itoobiya uqaabilsan dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadooda shalay isaga baxay Ceelbuur aysan ka mid aheyn wax uu ugu yeeray Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

isagoo wareysi siinayay idaacadda Codka Mareykanka VOA ayuu ka shanqariyay dhowr arrimood oo melleteriga Itoobiya ku qasbay in ay isaga baxaan Ceelbuur.

Sababta koowaad ayuu ku sheegay in Ceelbuur ay aheyd magaalo faaruq ah oo shacabkii deganaa ay isaga barakaceen taasi oo keentay in ciidanka Itoobiya cidloodaan ugu dambeyna ay ku qasbanaadeen dib ugurasho.


Dowladda Itoobiya waxay qirtay in ciidamo fabadan ay Soomaaliya ka joogaan iyagoo aan katirsanayn dalladda AMISOM balse ay dalka ku qabsadeen codsi uga yimid Dowladda Federaalka.

"Ciidamada ka baxay Ceelbuur waxay aheyd in bilo ay joogaan balse sanado ayay isku bedeshay” ayuu yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dowladda Federaalka ku dhaliishay tabar darri iyo in aysan awoodin sii haysashada magaalooyinka loo qabto oo si fudud ay kula wareegayaan Ciidamada Al Shabaab.

Warka kasoo yeeray Dowlada Itoobiya ayaa banaanka soo dhigaya heerka dabadhilifnimo oo ay gaarsiisantahay DF-ka oo codsigeeda ay ciidamada Itoobiya ku qabsaden magaalooyin dhowr ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items