Suuriya: 100 Qof Shacab ah oo Lagu Dilay Duqeyn Kiimiko loo Adeegsaday Gobolka Idlib.

Tuesday April 04, 2017 - 12:40:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Suuriya: 100 Qof Shacab ah oo Lagu Dilay Duqeyn Kiimiko loo Adeegsaday Gobolka Idlib.

    Diyaaradaha dagaalka Nidaamka Bashaar Al-asad ayaa markale xasuuq ka geystay magaalo dhacda waqooyiga wadanka Suuriya oo ay maamulaan xoogaga mucaaradka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dagaalka Nidaamka Bashaar Al-asad ayaa markale xasuuq ka geystay magaalo dhacda waqooyiga wadanka Suuriya oo ay maamulaan xoogaga mucaaradka.

Wararka Suuriya ka imaanaya ayaa sheegaya in ugu yaraan 100 qof oo shacab ah ay dhinteen 400 oo kalane ay dhaawacmeen kadib markii sawaariikh sumeysan lagu duqeeyay magaalada Khaan Sheykhuun.

Ragga firfircoon ee soo tabiya kacdoonka dalka Suuriya ayaa sheegay in Gaaska Sumeysan ee  Saariin loo yaqaan lagu rusheeyay xaafado dad shacab ah ay deganyihiin.

Dhaqaatiirta ayaa kusoo warramaya in dadka dhintay ay u badanyihiin carruur iyo haween, isbitaallada ayaa ladhigay boqolaal shacab ah oo xaaladooda caafimaad ay liidato sababa la xiriira suntan oo sambabaha ka haleeshay.


Xasuuqan cusub ee ka dhacay gobolka Idlib ayaa imaanaysa xilli dagaallo culus ay wali ka socdaan deegaano dhowr ah oo wadanka Suuriya katirsan islamarkaana Beesha caalamka ay ku mashquulsantahay qaba qaabinta wadahadallo nabadeed.

Related Items