Warbixin: Ciidamada AMISOM oo Lagu Dhiig Bixiyay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Baraawe iyo Dad Ay Xasuuqeen.

Tuesday April 04, 2017 - 12:42:15 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Ciidamada AMISOM oo Lagu Dhiig Bixiyay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Baraawe iyo Dad Ay Xasuuqeen.

    Ciidamo Ugandeys ah oo kasoo baxay Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Baraawe ayaa muddo 8 maalmood ah wadada kusii jira iyadoo laga gubay tiro gaadiid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Kamida qaraxyada AMISOM lagula Beegsaday Sh.Hoose
Ciidamo Ugandeys ah oo kasoo baxay Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Baraawe ayaa muddo 8 maalmood ah wadada kusii jira iyadoo laga gubay tiro gaadiid ah.


Muddo laga joogo sideed maalmood, waxaa magaalada Muqdisho kasoo baxay kolonyo ka tirsan ciidamada shisheeye oo galbinayay saad loogu tala galay in la gaarsiiyo Baraawe, kuwaas oo aaney illaa iyo hadda u suura galin iney halkaasi gaaraan.

Ciidamada ayaa wata gaadiid casri ah oo u suura galin karaya iney saacado kooban isaga kala gooshaan Muqdisho iyo Baraawe, laakin sababta keentay in ay muddo toban maalmood ku dhow wadada ku jiraan ayaa waxay tahay weeraro culus oo uga imaanaya guutada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab.


Qaraxyo waaweyn oo kolonyadan kala soo jaan qaaday nawaaxiga Afgooye ayaa illaa iyo hadda lala daba joogaa, iyadoo sadax saac ka hor laga gubay gaarigii shanaad oo qeyb ka ah kuwii saadka siday.

Gaarigii ugu horeeyay waxaa looga gubay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Laanta buuro, kaas oo uu noociisu ahaa Taw, waxaana burburkiisa wehliyay iney dhimasho iyo dhaawac daran noqdeen askartii saarnayd.

Shisheeyaha ayaa muddo joogay halkaas, maadaama uu khasaare culus gaaray waxaana xusid mudan in markii ay dhaqaaqeen islamarkaana socdeen masaafo dhan 2 KM, laga gubay gaarigii labaad oo noociisu ahaa Xamuul.

Gaarigan oo sahay siday ayaa waxaa qabsaday qarax aad u xooggan, iyadoo ciidamada shisheeye ay danta ku kalliftay in ay isagoo holcaya kasii tagaan, waxaana ay habeenkaasi ku hoydeen Nambar 50.

Subixii xigay ayay soo dhaqaaqeen, hayeeshee marka ay marayaan qabuuraha Shalaambood ayaa waxaa mid kamid ah gaadiidkooda gaashaaman lala kiciyay qarax miino oo sababay inuu si dhameystiran u burburo.

Shisheeyuhu waxay mar kale ku khasbanaadeen iney halkaasi dagaan, si ay u kala maareeyaan meydadka, dhaawacyada iyo wixii laga ceymin karo burburka gaariga.

Dorraad ayay halkaas kasii amba qaadeen socodkooda, iyagoo ku hoyday degaanka lagu magacaabo Danow, halkaasoo ay haddana maalintii shalay kasoo dhaqaaqeen, waxaana dhacday in gaari kale laga gubo markii ay wax yar dhaafeen tuulada cambareey, lana simanyihiin halka loo yaqaano Fidda dheer.

Gaariga laga gubay ayaa wuxuu noociisu ahaa kuwa xamuulka, kaas oo waliba kamid ahaa kuwii ay sida gaarka u ilaashanayeen maadaama uu saad siday, waxaana ay tani ka qaadeen caro xooggan iyagoo ku qamaamay tuulada, oo ay ku dileen laba qof oo ay ku jirto haweeney sagaashan sanno jir ah.

Dilka ay u geysteen waxaa ka daran, dhibaatooyin kale oo ay kula keceen, sida in ay dharka ka qaadaan oo ay soo dhigaan wadada sida uu inoo sheegay mid kamid ah dadka degaanka oo ka qeyb qaatay aas maanta loo sameeyay dadkaasi.

Ciidamada shisheeyaha ayaa xalay ku hoyday degaanka lagu magacaabo Marin gubaay, waxaana saaka aroortii qarax lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo wareer maleh kadib markii ay soo dhaqaaqeen.

Qaraxa oo aad u xoog badnaa sida ay sheegayaan dad lagu kalsoon yahay, ayaa waxa uu bas beeliyay gaari Booyad ah oo shidaal u siday ciidamada shisheeye, waxaana jirta in dhacdadan kadib ay ku qamaameen tuulada, halkaasoo ay ku dhaawaceen sadax ruux oo ay haweeney kamid tahay.

Intaa waxaa dheer in ay muddo saacado ah madaafiicda goobta ku garaacayeen dhulka hawdka ah.

Xaaladdan ayaa kusoo aadaysa iyadoo taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo gudoomiyaha midowga Afrika ay sheegeen in ciidamada shisheeye ku hor kufeen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaato’e ciidamda shisheeye ayaa u muuqanaya kuwa ay si dhab ah u saameysay istaraatiijiyadda dagaal ee ay Shabaabku dajiyeen, waxaana muuqanaysa iney haatan marayaan marxaladdii u dambeysay, maadaama  dagaalo qaaadaan iska dhaafe ay xataa ku adag tahay in ay saadka is gaarsiiyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items