Daawo Sawirrada Q.1-aad: Magaalada Ceelbuur oo Dhowaan Ay isaga Baxeen Ciidamada Xabashida Itoobiya.

Wednesday April 05, 2017 - 17:40:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirrada Q.1-aad: Magaalada Ceelbuur oo Dhowaan Ay isaga Baxeen Ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Akhristayaasha sharafta leh waxaan usoo gudbinaynaa qeybta 1-aad Sawirro muuqaal guud ka bixinaya Magaalada Ceelbuur oo maalmo ka hor ay isaga baxeen ciidamada Xabashida Itoobiya, Qeybtan ayaa muujinaysa Burburka soo gaaray goobaha ganacsiga iyo gury

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristayaasha sharafta leh waxaan usoo gudbinaynaa qeybta 1-aad Sawirro muuqaal guud ka bixinaya Magaalada Ceelbuur oo maalmo ka hor ay isaga baxeen ciidamada Xabashida Itoobiya, Qeybtan ayaa muujinaysa Burburka soo gaaray goobaha ganacsiga iyo guryaha caadiga ah.



Muuqaalka magaalada ayaa ah mid isbedel wayn laga dareeyo, xaafado katirsan Ceelbuur ayaa isku bedelay keymo kadib markii ay geeduhu qariyeen dhismayaashii caanka ah balse sidaas oo ay tahay waxaa wali taagan guryo boqolaal ah oo ubadan kuwa dhagaxaha ka sameysan ee loo yaqaan Villada.

Xabashida Itoobiya ayaa magaaladan faca weyn u bedeshay lama degaan, wariyaasha ayaa soo sheegay in waddooyinka Ceelbuur ay daadsanyihiin Bakhtiga xoolo farabadan oo isugu jiro Ari iyo Lo' sidoo kale Bakhtiga Xayawaanka Dameerka ayaa magaalada dhax waran.



Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen xoolaha iyagoo u maleeyay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo weeraro qorshaynaya!.

Dadwaynihii ka qaxay magaalada ayaa isla shalayba bilaabay inay si tartiib tartiib ah dib ugo soo laabtaan si ay guryahooda u fiiriyaan inay u bad qabaan,iyo in kale  sidoo kale durba waxa bilowday in ay xoolihii ay biyo usoo doontaan ceelka biyaha magaalada oo saddex sano aysan imaanin xoolaha qeybahooda kala duwan, dadka reer baadiyaha ayaa sheegay in neefkii kasoo dhuma ee biyo soo raadsada ay Axmaaaradu qalan jireen.

FG: Sawirro kale ayaan soo gudbin doonaa insha'allaah




 






































 

Related Items