Weerar Culus oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada Jabuuti Ee Degmada Jalalaqsi.

Wednesday April 05, 2017 - 10:50:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Culus oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada Jabuuti Ee Degmada Jalalaqsi.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig melleteri oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig melleteri oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.



Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe duullaan ballaaran ku ekeeyay saldhigyo melleteri oo maleeshiyaadka Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi.

Goob Jooge ku sugan duleedka degmada Jalalaqsi ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Idaacadda Andalus ee Afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in illaa iyo sedax Saldhig oo kuyaal galbeedka Jalaalqsi lagu weeraray ciidamada Jabuuti.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xoog ku galeen saldhigyada ciidamada Jabuuti waxaana kamid ah saldhig kuyaal halka loo yaqaan Beerta Xayawaanka iyo saldhig kale oo kuyaal meel ku dhow Buundada degmada Jalalaqsi.

Maanta barqadii ayay sedax diyaaradood kusoo dageen garoonka diyaaradaha Macmalka degmadaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Jabuuti waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray Ciidamada AMISOM.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar hubeysan uu ka dhaco saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items