Askari Qof Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Garoowe iyo Meyd laga Helay Muqdisho.

Thursday April 06, 2017 - 10:37:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Qof Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Garoowe iyo Meyd laga Helay Muqdisho.

    Ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa qof shacab ah ku dilay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa qof shacab ah ku dilay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in mid kamida ciidamada daraawiishta uu si bareer ah u toogtay qof shacab ah oo aan waxba galabsan sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Askariga dilka geystay ayaa si nabad gelya ah uga dhaqaaqay goobta mana jirin wax eryasho ah oo uga yimid ciidamada maamulka ‘Puntland’.

Dhinaca kale Meydka qof shacab ah ayaa saaka laga helay xeebta Curubo ee magaalada Muqdisho, Meydka oo jirkiisa aan laga dareemayn wax rasaas ama tooreey ah ayaa lasoo dhigay xeebta.


Taliyaha booliska degmada Shangaani ayaa warbaahinta u sheegay in Meydka ay geeyeen saldhig boolis islamarkaana ay baaritaano ku sameynayaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items