Dowladda Imaaraatka Carabta oo Lagu Wareejiyay Dekadda Magaalada Boosaaso.

Saturday April 08, 2017 - 09:38:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka Carabta oo Lagu Wareejiyay Dekadda Magaalada Boosaaso.

    Dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis baaxad leh oo ku saabsan hab maamulka dekada magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis baaxad leh oo ku saabsan hab maamulka dekada magaalada Boosaaso.

Cabdi Wali Gaas ayaa shirkadda DPWORLD u saxiixay heshiis ogolaanaya in muddo 30 sana ah ay dowladda Imaaraatka heysasto dekada Boosaaso.


Sultaan Ahmed Bin Suleyman oo ah maamulaha shirkadda DP ee UAE ayaa sheegay in Marsada Boosaaso ay dayactir iyo ballaarin ku sameyn doonaan.

Ganacsatada wax kalasoo dega dekadda ugu weyn gobolka Bari iyo xoogsatada ayaa durbadiiba walaac ka muujiyay in dekadda xilligan lagu wareejiyo dowlad shisheeye.


inta badan kaabayaasha dhaqaalaha dalka Soomaaliya waxaa la wareegay dowlado shisheeye, garoonka diyaaradaha iyo dekadda Muqdisho waxaa gacanta ku haaya dowladda Turkiga halka dekadaha Boosaaso iyo Berbera ay la wareegtay dowladda imaaraatka Carabta.

Soomaaliya oo horay ugu jirtay gumeysiga ciidamada shisheeyaha Midowga Afrika ayaa hadda la gelinayaa gumeysiga dhanka dhaqaalaha iyo maskaxda ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items