Askari Faransiis Ah oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Koonfurta Wadanka Maali.

Saturday April 08, 2017 - 09:38:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Faransiis Ah oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Koonfurta Wadanka Maali.

    Wararka ka imaanaya wadanka Maali ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo Faransiis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Maali ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo Faransiis ah.


Xoogag Jihaadi ah oo isku tagay ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Faransiiska ay ku leeyihiin deegaan dhaca Koonfur Bari wadanka Maali.

Kooxda Ugargaaridda Islaamka iyo muslimiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, warbaahinta dowladda Faransiiska waxay sheegtay in ugu yaraan Hal askari oo katirsan guutada Miina Maarista lagu dilay weerarka.

Weerarka oo ka dhacay Xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Maali iyo Borkina Faaso ayaa lala helay isku imaatin ay ciidamada Faransiiska ku sugnaayeen sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada magaalada Paris.


Bayaan baraha Internetka lagu faafiyay oo ay soo saartay Jamaacada ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka halka askari lagu dilay.

Faranso Holland oo ah madaxweynaha wadanka Faransiiska ayaa weerarka cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay mid ‘Argagaxiso’.

Kumanaan katirsan ciidamada Maali ayaa daba yaaqadii sanaddii 2012 duullaan gardarra ah ku qaaday waqooyi wadankaasi waxayna burburiyeen maamul islaami ah oo taabacsanaa Al Qaacidada Maqribul Islaami.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items