Ma Sirdoon Qaran baan leenahay Mise Waa Sirdoon Qaramo kale?.

Sunday April 09, 2017 - 10:01:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Sirdoon Qaran baan leenahay Mise Waa Sirdoon Qaramo kale?.

    Taliyihii sirdoonka dowladda Federaalka cabdullaahi Gaafoow Maxamuud shalay xilka ayuu ku wareejiyay, taliyaha cusub Sanbaloolshe waxaa isweydiin mudan Dukumiintiyada uu u dhiibay ma ku qorantahay in Jenaraal Gabre iyo Michael Keating dalkeena fara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii sirdoonka dowladda Federaalka cabdullaahi Gaafoow Maxamuud shalay xilka ayuu ku wareejiyay, taliyaha cusub Sanbaloolshe waxaa isweydiin mudan Dukumiintiyada uu u dhiibay ma ku qorantahay in Jenaraal Gabre iyo Michael Keating dalkeena fara gelin ku hayaan oo ay madaxda wararka u meershaan amarana siiyaan?.



Ma ku qoran tahay in dowladda Federaalku qeyb ka tahay dagaalka loogu jiro in aanu islaamku madaxa kor u soo qaadin?.

Ma ku qoran tahay in ciidamada soomaalidu ka dhigan yihiin eeyo mareykanka, itoobiya, Kenya iyo wixii la mid ahu ku shaqeystaan maxaa yeelay iyaga ayay ka bar bar dagaalamaan iyagoo amarrada ka qaata?.


Maku qoran tahay in gabdhihii soomaaliyeed ee sharafta badnaa gaalada dhufeysyada logu geeyo oo ay ku fara xumeeyaan qaarkoodna sidaa ku fidnoobeen oo aan xeryaha cadawga laga waayin?

ma ku qoran tahay in xaduudahadalka barigga, iyo badda iska daaye gudihii dalka shisheeye la wareegay in laga xoreeyana muhiim tahay?.

Ma ku qoran tahay in  caada qaade kasta, tuug kasta iyo ciyaala suuq kasta ku biiray ciidamada Federaalka iyo maamul gobaleedyada si howlihiisa gurracan uu halkaa uga sii wato?

Ma ku qoran tahay in turkiga oo sheegtay in uu u gargaarayo umadda soomaaliyeed uu quudinayo ciidmada soomaaliya kusoo duulay iyadoo tusaale loosoo qaado karo raashinkii magaca turkigu ku qornaa ee laga helay dhufeysadii itoobiya ka guurtay ee magaalada ceelbuur?

Ma ku qoran tahay in madaxweynaha iminka maxamed cabdulaahi farmaajo uu yahay dembiile ka goostay dowladdii soomaaliya 1988 iminkana uu yahay daba dhilif maraykan ah?

Maku qoran tahay in qurba joogta xukuumadda, baarlamaanka iyo laamaha kale ee dowladda ku jiraa ka dhigan yihiin safiirro shisheeye, micnaha in ay sirdoon u yihiin dowladaha ka jira dalalka ay ka yimaadeen?.

haddii intaa iyo waxyaabaha la midka ahu aanay ku qorneyn maxaa ku qoran?

waxaa ku qoran gabdhaha xijaaban, nimanka garka deystay, ganacsatada shisheeyaha neceb, nimanka la dagaalamaya shisheeyaha dalka kusoo duulaya iyo kaaliyaashiisa iyo wixii la mid ah?

kol hadday saas tahay ma sirdoon qaran baanu leenahay mise waxaa meesha jooga sirdoonka qaramo kale?

jJwaabta su'aashu waa mid loo baahan yahay in ay is weydiiyaan dadka soomaaliyeeed ee loo sheegay in ay dowlad leeyihiin laakiin dowladdaasu ay tahay mid ka shaqeyneysa in ay aayahooda bohol ku riddo.

Waxaa Qoray Wariye Cabdullaahi Soomaali.

FG: Fikradda Maqaalka waxay u gaartahay Qoraaga
SomaliMeMo looma tiirin karo


Related Items