Sawirro: 43 Qof oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka Dhacay Kaniisado Ku Yaal Magaalooyin Katirsan Wadanka Masar.

Sunday April 09, 2017 - 17:39:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 43 Qof oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka Dhacay Kaniisado Ku Yaal Magaalooyin Katirsan Wadanka Masar.

    Wararka ka imaanaya wadanka Masar ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyo lala beegsaday Kaniisado ay ku sugnaayeen dad Kirishtaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Masar ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyo lala beegsaday Kaniisado ay ku sugnaayeen dad Kirishtaan ah.

Jugta qarax xooggan ayaa laga maqlay gudaha Kaniisadda Magaalada Danda ee wadanka Masar, saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dhimashadu ay sii caga cagaynayso 30 qof oo dhammaantood ah dadkii xilligaasi gudaha Kaniisadda ku sugnaa.

Qaraxa ayaa loo badinayaa in uu ka dhashay miino lagu aasay gudaha kaniisadda halka wararka kale ay sheegayaan in ruux soo xirtay suun walxaha qarxa lagusoo xiray uu weerarka fuliyay.


Wakaaladda wararka u faafisa wadanka Masar ayaa baahisay in kumanaan askari oo dheeri ah lagu daad gureeyay magaalada Danda.

Qarax kale oo ka dhacay Kaniisad kutaal magaalada Alaskandariyah ayaa sababay dhimashada 13 qof oo sedax kamid ah ay ahaayeen saraakiil katirsan ciidamada booliska.

Madaxweynaha xukuumadda Dabadhilifka Masar Cabdi Fataax Alsiis ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha ammaanka kaasi oo looga arrinsanayo qaraxyada lala eegtay Kaniisadaha Nasaarada.

أحد ضحايا تفجير الإسكندرية الذي قتل فيه 13 وأصيب 35 (رويترز)

Sawirro lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinayay Meydadka dad kirishtaanka ah oo daadsan gudaha Kaniisadaha la beegsaday, saraakiil ammaan ayaa sheegay in labada weeraray ay saacado yar uun  udhaxeeyeen waxayna u muuqdeen kuwa si heer sare ah loosoo qorsheeyay waxaana lagusoo beegay maalin axad ah oo Kaniisadaha ay tagaan dadka Nasaarada iyagoo gudanaya wax ay ugu yeereen Cibaado balse ah baadil ay asnaam ku caabudaan.

Wadarta guud ee dhimashada qaraxyada ka dhacay Kaniisadaha ayaa gaartay 43 qof oo dhammaantood ah dadka Nasaarada Qibdiyiinta oo gudaha wadanka Masar ka ah qaliyada 10%.

Sanaddii lasoo dhaafay qarax ka dhacay Kaniisad ay leeyihiin Dadka  Qibdiyiinta waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof oo dhammaantood ahaa Kirishtaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items