Taliyaha Ciidanka Melleteriga Dowladda Federaalka oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

Sunday April 09, 2017 - 13:22:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Melleteriga Dowladda Federaalka oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

    War goordhow nagasoo gaaray degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in camaliyad istish-haadi ah lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan ciidanka Melleteriga dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow nagasoo gaaray degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in camaliyad istish-haadi ah lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan ciidanka Melleteriga dowladda Federaalka.

Jugta qarax weyn ayaa laga maqlay agagaarka wasaaradda G/dhigga oo ay ku shaqeeyaan saraakiisha ugu sarraysa ciidanka DF-ka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ahaa mid naf-hurnimo.

Sida ay baahisay idaacadda Andalus gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxanayayay dagaalyahan istish-haadi ah ayaa lala helay kolonyo gaadiid ah.


Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka uu si dirqi ah uga badbaaday Jeneraal Cirfiid oo ah taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka kaasi oo khamiistii lasoo dhaafay uu magacaabay Farmaajo.

Xilligii uu weerarku dhacayay ayay gudaha Wasaaradda G/dhigga ka socotay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen mas'uliyiinta wasaaradda G/dhigga.

Tobaneeyo askari oo ilaala ka ahaa kolonyada gaadiidka ah ee labeegsaday ayaa la rumeysanyahay in ay dhimsho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka ka dhacay Muqdisho.

Qaraxan ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii Max’med Cabdullaahi Farmaajo Hoggaamiyaha DF-ka uu ku dhawaaqay dagaal hor leh oo ka dhan ah Al Shabaab waxaana muuqata iy DF-ka looga hormaray dagaalka.


Lasoco wixii soo kordha insha'allaah

Related Items