Dhageyso: Al Shabaab oo Si Adag Uga Jawaabtay Dagaalkii uu Ku iclaamiyay Farmaajo.

Monday April 10, 2017 - 08:37:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Al Shabaab oo Si Adag Uga Jawaabtay Dagaalkii uu Ku iclaamiyay Farmaajo.

    Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay ka ha hadashay dagaalkii uu maalmo ka hor iclaamiyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhanka ahaa Xarakada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay ka ha hadashay dagaalkii uu maalmo ka hor iclaamiyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhanka ahaa Xarakada.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa warka farmaajo ku sheegay mid wax macna ah aan laheyn islamarkaana muujinaya daciifnimo iyo khibrad xumo.

isagoo wareysi dhinacya badan taabanaya siinayay idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayuu sheegay in dhawaqa Farmaajo uu lamid yahay wixii ay horay ugu hadaaqi jireen madaxdii soo martay dowladda Federaalka sida C/llaahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.


"Wax cusub ma ahan kuwii isaga ka horreeyay ayaa 24 saac dagaal nagu iclaamin jiray ilaaheyna waa naga guuleeyay ,insha’allaah waxba naga qaadi maayaan”ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Wuxuu si gaar ah uga hadlay siyaasadda fud fudeydka ku dhisan ee Farmaajo lasoo shir tagay tan iyo markii madaxweyne loo doortay 8 Febaraayo 2016 ".

mujaahidiinta allaah Subaxaanahu watacaala ayaa lajirkooda ah waana ka adkaanayaan, kanna uun halkaas buu mari..Farmaajo waxaa usii dheer fud fudeyd waxaa weeye Nin aad u fud fudud sida dadka oo dhan ka arkaan waxyar oo muddo kooban ayuu meesha joogay nin dagaalka Soomaaliya la socda muusan aheyn isagoo aan wax warbixin ah ka hayn maleeshiyaadkiisa murtadiinta ayuu inta tuute soo xirtay dagaal iska iclaamiyay..maalintii uu madaxtooyada soo gelaayay mujaahidiintu hoobiyaal ayay kusoo dhoweeyeen xassan sheekhna Hoobiyaha oo ka daba dhacaya ayuu cararay isaguna nin ku cibra qaatay ma ahan wixii ku dhacay dadkii ka horreeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Muscab.

Xarakada Al Shabaab waxay xaqiijisay in weerarkii shalay ay ku dili Rabtay Jeneraal Cirfiid oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidanka melleteriga dowladda Federaalka xilli uu ku socdaalayay meel ku dhow wasaaradda G/dhigga.


Halkan ka dhageyso Wareysiga Sheekh Abuu Muscab MP3

Isha Maqalka: Radio Alfurqaan

Related Items