Alsiisi Oo Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogay Wadanka Masar Kadib Qaraxyadii Kaniisadaha.

Monday April 10, 2017 - 11:09:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alsiisi Oo Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogay Wadanka Masar Kadib Qaraxyadii Kaniisadaha.

    Maalin kadib markii qaraxyo tobaneeyo qof lagu dilay ay ka dhaceen Kaniisado kuyaal wadanka Masar ayaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin kadib markii qaraxyo tobaneeyo qof lagu dilay ay ka dhaceen Kaniisado kuyaal wadanka Masar ayaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah.



War rasmi ah oo kasoo baxay C/Fataax Alsiisi madaxweynaha dalka Masar ayuu ku iclaamiyay in xaalad degdeg ah lagusoo rogay wadanka Muddo sedax bilood ah.

"iyadoo loo hoggaansamayo tallaabooyinka qaanuuniga ah ee dhigaya sugidda amniga ayaa wadanka la geliyay sedax bilood oo degdeg ah” ayuu yiri Alsiisi oo ka hadlayay Telefeshinka afka dowladda ku hadla.

Dhinaca kale dhimashada ka dhalatay qaraxyadii Kaniisadaha Danda iyo Alaskandariyah ayaa gaartay 44 qof halka dhaawacyadu ay 200 oo qof sii caga cagaynayaan.



Dadka ku halaagsamay weerarada ayaa ah Masiixiyiin katirsan Aqaliyadda Qibdiyiinta, tan iyo markii uu Alsiisi xukunka melleteri ku qabsaday Wadanka Masar ayay sii kordheen weerarada ka dhanka ah Qibdiyiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items