Faah Faahin: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Lagu Weeraray Xero Ciidan oo Kutaal Warshadda Nac Naca Ee Degmada Wadajir.

Monday April 10, 2017 - 11:06:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Lagu Weeraray Xero Ciidan oo Kutaal Warshadda Nac Naca Ee Degmada Wadajir.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar xooggan oo lagu qaaday saldhig lagu tababarayay ciidamo katirsan melleteriga dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Mogadishu
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar xooggan oo lagu qaaday saldhig lagu tababarayay ciidamo katirsan melleteriga dowladda Federaalka.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhacay gudaha Warshaddii hore ee Nacnaca degmada Wadajir balse hadda ah xero lagu tababaro ciidamada DF-ka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo gilgilay goobta, halka  weerarku ka dhacay waxaa bilihii lasoo dhaafay ka howlgelayay saraakiil caddaan ah oo tababarro siinayay ciidamada DF-ka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka, sida ay baahisay idaacadda Andalus "Mujaahid istish-haadi ah ayaa suun walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ku weeraray saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil Caddaan ah iyo kuwa Murtadiin ah dhimashada cadawga gaartay waa 24 askar iyo saraakiil ah" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab.


Al Shabaab ayaa xaqiijisay in qaraxu uu gallaaftay nolosha saraakiil Tababarayaal ah iyo ciidamo ku sugnaa xerada Nacnaca, waa weerarkii labaad oo naf-hurnimo oo si xiriir ah uga dhaca magaalada Muqdisho waxaana lala beegsaday saraakiil melleteri.

Warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in dhimashada ka dhalatay weerarka Xerada Nac Naca ay gaartay 24 askari iyo saraakiil ah islamarkaana lafilan karo in khasaaruhu sii kordho saacadaha soo socda.

Taliyaha ciidanka dowladda Federaalka Jeneraal Cirfiid ayaa shalay si dirqi ah uga badbaaday weerar lagu khaarijin lahaa xilli uu ku socdaalayay agagaarka wasaaradda G/dhigga.

Hoos ka akhriso qaar katirsan magacyada saraakiishii lagu dilay weerarkii maanta.

1- Gaashaanle Sare Badri Sheykh Aadan, Madaxii tababarada ee Xerada.

2- Korneel Cabdi Yare, Sarkaal ka tirsan ciidanka Military-ga

3- Gaashaanle Sare Abuukar Dheere, Sarkaal ka mid ahaa ciidanka Military-ga

4- Korneel Macalin Cabdi Kariim, Tababare Ciidan.

5- Xasan Gacmo Dheere, Gaashaanle dhexe oo ka tirsan ciidanka Military-ga.

6- Gaashaanle Dhexe Macalin Cumar, Tababare Ciidan

7- Korneel Dhiblaawe oo ka tirsan ciidanka Military-ga.

8- Gaashaanle Sare Carab oo ka tirsan Military-ga.

9- Sarkaal Magaciisa lagu soo koobay Qaam-Raam.

10- Korneel Dimuquraadi oo ka tirsan ciidanka Military-ga. (Waa Dhaawac)

11- Xuseen Yare Kabtan ciidan.

12- Laba xidigle Cabdi Xakiim

13- Laba Xidigle Axmed Nuur

14- Laba Xidigle Aaryo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items