Xildhibaan Dhalxa "Al-Shabaab Ma Ahan Dad Wax Looga Qaadi Karo Hanjabaad Iyo Tuute La Xirto" (Dhageyso).

Wednesday April 12, 2017 - 09:38:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dhalxa "Al-Shabaab Ma Ahan Dad Wax Looga Qaadi Karo Hanjabaad Iyo Tuute La Xirto" (Dhageyso).

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayna ciidamada Xarakada Al Shabaab sare uqaadeen weerarada ka dhanka ah madaxda dowladda Federaalka ayay xildhibaano Baarlamaan walaac ballaaran ka Muujiyeen xaaladda ammaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'med Cumar Dalxa Waa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka DF-ka
Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayna ciidamada Xarakada Al Shabaab sare uqaadeen weerarada ka dhanka ah madaxda dowladda Federaalka ayay xildhibaano Baarlamaan walaac ballaaran ka Muujiyeen xaaladda ammaan.

Xildhibaan Max’med Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa dhaliil kulul ujeediyay tallaabadii uu Farmaajo dagaalka ugu iclaamiyay Xarakada Al Shabaab.

Wuxuu Sheegay in Farmaajo oo ku degdegay dagaal uusan aqoon durugsan ulaheyn isagoona wax lala yaabo ku tilmaamay dagaalkii uu Farmaajo seerigiisa yeeriyay.

Max’med Cumar Dalxa ayaa tallaabada madaxweynaha la meel dhigay aroos la iclaamiyay kadibna durmar farabadan isugusoo aruureen goobta arooska isagoo ula jeedo dagaalyahanada Al Shabaab ee Muqdisho dagaallada iyo qaraxyada ka bilaabay Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii dagaalka la iclaamiyay "Dowladdu sidii Aroos oo kale ayay dahaalka udigtay waxaaba la moodaa in ay dhahday kaalaya oo nasoo weerara”ayuu yiri Dalxa.


Xildhibaanka katirsan DF-ka ayaa meesha ka saaray wararka ay ku hadaaqaan madaxda dowladda Federaalka ee ah in Al Shabaab la wiiqay islamarkaana laga hortagayo weeraradeeda  "Al-Shabaab Ma Ahan Dad Wax Looga Qaadi Karo Hanjabaad Iyo Tuute La Xirto" ayuu yiri Dalxa.

Daahir Amiin Jeesoow oo ah xildhibaan Baarlamaan ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu qaraxyo iyo dhimasho u horseeday askarta iyo saraakiisha DF-ka.

Qeylla dhaantan ka imaanaya saraakiisha DF-ka ayaa imaanaya xilli 7 maalmood laga joogo markii uu madaxweynaha dowladda Federaalka uu 60 maalmood uqabta askarta iyo saraakiisha Al Shabaab in ay iskusoo dhiibaan islamarkaana uu dagaal ku iclaamiyay.

Halkan ka dhageyso Wareysi lala yeeshay Xildhibaan Dalxa MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items