Sawirro: Gargaar Ay Soo Direen Akhristayaasha SomaliMeMo oo Markale Lagaarsiiyay Dadka Abaartu Saameysay.

Wednesday April 12, 2017 - 09:53:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Gargaar Ay Soo Direen Akhristayaasha SomaliMeMo oo Markale Lagaarsiiyay Dadka Abaartu Saameysay.

    Gurmadka loo fidinayo dadka ku saamoobay abaaraha kajira dalka Soomaaliya ayaa wali kasii socda gobollada dalka xilli abaartu aysii daba dheeraanayso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gurmadka loo fidinayo dadka ku saamoobay abaaraha kajira dalka Soomaaliya ayaa wali kasii socda gobollada dalka xilli abaartu aysii daba dheeraanayso.

 

 



Tobaneeyo qoys ayaa ka faa’iideystay Gargaar ay Howl-wadeeno Katirsan Shabakadda SomaliMeMo gaarsiiyeen dadka kasoo barakacay abaaraha.

Qeybtii 2-aad Dhaqaale ay Akhristayaasha SomaliMeMo ugu talagaleen dadka abaaraysan ayaa laga qeybiyay deegaano katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Mahadi haka gaartee dad Muxsiniin ah ayaa dhaqaale usoo diray walaalahooda iyagoo ajiibay baaqii degdegga aha ee SomaliMeMo, dhaqaalahan ayaa lagu aruuriyay aaladda EVC-ga.



22 qoys oo kamid ah dadka ugu daran ee  abaaruhu saameeyeen ayaa lagaarsiiyay gargaarkan oo runtii ahaa mid aad uyar marka loo eego duruufta iyo baahiyaha jira balse dhinaca kale waa gargaar barakaysan oo ay iskasoo jareen walaalo latacaadufay lana murugooday walaalahooda abaaraysan.

Waxaa bogaadin mudan in dadka  SomaliMeMo akhrista ay si hagar la’aaneed usoo caawinayeen walaalahooda, dadka qaar ayaan $1.5 ku tabarucayay kuwa kalane  waxay ku tabarucayeen $100, $5, #10  iyo kasii badan taasi waxay muujinaysaa sida Soomaalidu isku jeceshay oo aysan waxba iskala hagranayn.

Ilaahey Ajar iyo xasanaat ha idinka siiyo ayaan leenahay dhammaan walaaliha gargaarkan usoo diray masaakiinta dhibaataysan dadkaas oo kala jooga shanta qaaradood ee adduunka.

Sida aad sawirrada ku arkaysaan dadka wax loo qeybiyay waa haweenka iyo carruurta oo ah kuwa ugu nugul abaaraha iyo cudurrada dalka kajira.

Waa Q.2-aad ee gargaar ay soo diraan Akhristayaasha Shabakadda oo lagaarsiiyo dadka abaartu daashatay.

Abaarta ayaa wali dalka Soomaaliya kajirta waloow meelaha qaar ay ka curteen Roobabka Gugaga waxaana la rajeynayaa in musiibooyinka laga bixi doono waqti aan dheerayn insha'allaah.







 

 

Related Items