Dhageyso: Maxay Ka Dhigantahay Ka Bixitaanka Ciidanka Itoobiya Ee Magaalada Ceelbuur?.

Wednesday April 12, 2017 - 11:40:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Maxay Ka Dhigantahay Ka Bixitaanka Ciidanka Itoobiya Ee Magaalada Ceelbuur?.

    Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay mowqifkii ay shacabka Ceelbuur ka qaateen duullaankii Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay mowqifkii ay shacabka Ceelbuur ka qaateen duullaankii Xabashida Itoobiya.



Nabadoon Kufridiid oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dib uxureynta magaalada Ceelbuur ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Kufridiid ayaa tacliiq dheer saaray jabka iyo guul darradii ciidamada Itoobiya kasoo gaartay duullaankii ay ku qaadeen magaalada Ceelbuur.

Wuxuu sheegay in ciidanka Itoobiya ay muddo 8 maalmood ah ku socdaalayeen masaafo dhan 90 KM, isagoo muujiyay in itoobiyaanka lagu dhiig bixiyay dagaalka ka socda gobolka Galguduud.



"Ceelbuur iyo Dhuusamareeb waxaa kunool dad isku dan balse magaalo waa ku gubteen magaalana waa ku nasteen taas waqtiga ayaa keenay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay isagoo rajeeyay in soomaalidu meel walba oo ay joogaan mar uun ku baraarugayaan cadawgooda.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya ay ka carareen magaalada Ceelbuur kadib sedax sanadood oo ay ku go’doonsanaayeen.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Kufridiid MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items