Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ruxay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Wednesday June 11, 2014 - 11:36:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ruxay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ruxay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ruxay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ruxay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Buula Barde ayaa sheegaya in qarax lala helay gaari ay la socdeen ciidanka Jabuuti oo ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha macmalka degmada oo ah isha kaliya ee ciidamada Jabuuti ee magaalada ku sugan ay saadka kalasoo degaan.

Dadka ku sugan duleedka Buula Barde ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xoogan daqiiqado kadibna waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta degmada balse maanta duhurkii ayay isgaarsiintu dib usoo laabatay kadib markii ciidamada Jabuuti ay dhimashadooda iyo dhaawacooda udaabuleen dhanka Beled Weyne.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in 3 askari oo Jabuutiyaan ah ay dhinteen halka 4 kale dhaawacyo soo gaareen,qaraxa lala helay gaariga ay wateen ciidamada Jabuuti ayaa ahaa miino wadada hareeraheeda lagu aasay sida lagasoo xigtay saraakiil ciidanka Dowladda Federaalka katirsan.

Buula Barde ayaa gacanta wilaayada islaamiga ah ka baxday bishii Maarso waxaana halkaasi qabsaday maleeshiyaadka soo duulayaasha Jabuuti.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items