Ku Dhawaad 10 Askari oo Katirsanaa Dowladda Federaalka Ay isku Dhiibay Xarakada Al Shabaab Ee Sh/dhexe.

Thursday April 13, 2017 - 12:42:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 10 Askari oo Katirsanaa Dowladda Federaalka Ay isku Dhiibay Xarakada Al Shabaab Ee Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsanaa dowladda Federaalka ay isku dhiibeen Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka DF-ka ayaa dabadhilifyo u ah AMISOM
Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsanaa dowladda Federaalka ay isku dhiibeen Xarakada Al Shabaab.



Fagaare kuyaal deegaanka Cali Fooldheere ee hoos taga degmada Mahadaay ayaa lagusoo Bandhigay ciidamada ka goostay DF-ka oo cadadkoodu gaarayay illaa 8 Askari.

Qaar kamid ah ciidamada isku dhiibay Xarakada Al Shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka Towbad keeneen la shaqeyntii shisheeyaha AMISOM islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay dadkooda dhinac ka raaci doonaan.



Askarta ka goosatay DF-ka ayaa bilihii lasoo dhaafay ka howlgelayay deegaanka Biya Cadde oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.

Waa askartii ugu badneed ee mar qura isku dhiibta Shabaabul Mujaahidiin tan iyo markii uu madaxweyne u noqday Dowladda Federaalka Max’med Cabdullaahi Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items