Oday Dhaqameed Ka Qeyb Qaatay Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka oo Muqdisho Lagu Dilay.

Thursday April 13, 2017 - 19:04:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oday Dhaqameed Ka Qeyb Qaatay Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah odayaasha iyo ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah odayaasha iyo ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

Wararka ka imaanaya degmada Wardhiigleey ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe ay kooxo hubeysan ku dileen Mid kamida Odayaashii soo xulay Baarlamaanka kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Shire.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Laba Dhagax ee degmada Wardhiigleey, Oday dhaqameedka lagu dilay degmada Wardhiigleey ayaa ka qeyb qaatay shirarkii xildhibaanada lagusoo xulayay ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Mudug.


Xarakada Al Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay in ay dili doonto Ergada iyo odayaasha ka qeyb qaatay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka iyo kuwa maamul goboleedyada oo ay ku sifaysay ‘Murtadiin’.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items