Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Thursday April 13, 2017 - 19:04:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

    Boqolaal qof ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay Ninka ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir ee dhawaan la magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay Ninka ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir ee dhawaan la magacaabay.

Thaabit  Cabdi Maxamed oo ah Somali American ayaa dib ugusoo laabtay Muqdisho si uu u qabto xilka loo magacaabay ee ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Siyaasigan oo ay isku dhowyihiin Xasan Gurguurte hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka ayaa magacaabistiisa loo aanaynayaa heshiis horay u dhaxmaray Farmaajo iyo Xasan Sheekh.

Munaasabadii lagusoo dhoweynayay Thaabit waxaa hareeyay buuq iyo is riix riix ay sameeyeen dad shaqa doon ah iyo taageerayaashiisa.


Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo heysta dhalashada dalka Mareykanka waxaa sugaya shaqa adag oo ay ugu horrayso sugidda ammaanka.

Magaalada Muqdisho waa meesha ugu daran oo ay ka socdaan dagaallada waxaana magaaladan ku loolamaya sirdoonno caalami ah iyo midka Jihaadiga shabaabul Mujaahidiin.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items