Warbixin: Ciidamada Itoobiya oo isaga Baxaya Magaalooyinka Ay Uga Suganyihiin Gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Saturday April 15, 2017 - 08:22:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Ciidamada Itoobiya oo isaga Baxaya Magaalooyinka Ay Uga Suganyihiin Gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

    Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa gobollada Hiiraan iyo Galguduud ka wada dhaq dhaqaaqyo melleteri oo ay ku doonayaan in ay isaga baxaan dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa gobollada Hiiraan iyo Galguduud ka wada dhaq dhaqaaqyo melleteri oo ay ku doonayaan in ay isaga baxaan dalka.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya oo saldhigyo melleteri kulahaa magaalada ay isaga baxeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo watay 230 gaari ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay isaga baxayeen magaalada iyagoo ugudbay dhanka dhulka Somaligalbeed ee Itoobiya gumeysato.

inta badan ciidamada Itoobiya ayaa isaga huleelaya magaalada, gaadiidka ugu badan ee Itoobiyaanku wateen ayaa shalay gelinkii hore illaa iyo gelinkii dambe isaga qulqulayay saldhigyadii ay Dhusuamareeb ku lahaayeen.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay uga baxayaan degmada Maxaas, gaadiid faaruq ah oo aad u farabadan ayaa gaaray halka loo yaqaan Janta Kuundisho oo ah saldhigga weyn ciidamada Itoobiya ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Xaalad Cabsi leh ayaa usoo gashay maleeshiyaadka Suufida ee Itoobiya taabacsan kadib markii ay cidiamada xabashida dhaq dhaqaaqyada dib ugurashada ah bilaabeen.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa xalay Bandaw ku waabariiste waxaana jirta cabsi ah in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay magaalooyinkaas weeraro kusoo qaadaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items