Wararka ka imaanaya magaalada gumeysiga kujirta ee Al-Qudus ayaa sheegaya in ruux muslim ah uu tooreey ku dilay haweenay Yahuudiyad ah.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Jamiil Altamiimi oo 57 jir Filasdiini ah uu
tooreey ku dilay Haweenay Yahuudiyad ah balse heysata dhalashada dalka
Ingiriiska.
Booliska Yahuudda ayaa sheegay in ruuxa dilka geystay uu haweenayda ku weeraray
middi si aad ah loo afeeyay kadibna dhaawac culus oo soo gaaray ayay isbitaalka
ugu dhimatay.
Weerarada tooreynta ah oo ay fulinayaan dadka muslimiinta Filasdiiniyiinta xaq
udirirka ah ayaa sare usii kacaysay sanadadii lasoo dhaafay.
Sanaddii 2015 weeraro loo adeegsadeen gaari jiirsiin iyo Tooreyn oo ka dhacay
magaalada Alqudus waxaa ku dhintay 37 qof oo isugu yiray Yahuud iyo American.
Kooxaha Muqaawamada Filasdiiniyiinta ayaa bogaadiyay dhammaan weeraradii
hubeysnaa ee lagu laayay dadka ‘Israa’iiliyiinta ah’.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Haweenay Heysata Dhalashada Dalka Ingiriiska oo Lagu Dilay Magaalada Qudus.
Wararka ka imaanaya magaalada gumeysiga kujirta ee Al-Qudus ayaa sheegaya in ruux muslim ah uu tooreey ku dilay haweenay Yahuudiyad ah.