Dowladda Mareykanka oo Sheegtay in Saraakiil Melleteri Ay usoo Dirtay Dalka Soomaaliya.

Saturday April 15, 2017 - 14:08:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo Sheegtay in Saraakiil Melleteri Ay usoo Dirtay Dalka Soomaaliya.

    Markii ugu horraysay dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ciidan usoo dirtay dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada shisheeyaha Midowga Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ciidan usoo dirtay dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada shisheeyaha Midowga Afrika.


Afhayeen uhadlay melleteriga Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in 2-dii bishan April ay garoon diyaaradeed oo kuyaal xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ka degeen 40 sarkaal oo tababarayaal ah.

Pat Barnes oo ah Afhayeenka AFRICOM ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ay noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee si rasmi ah Mareykanku ugu diray Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeyeay sanaddii 1994.


"Ciidamo katirsan guutada 101-aad ee ee Mareykanka ayaan udiray dalka Soomaaliya si ay ugacan siiyaan saaxiibadeena Midowga Afrika oo dagaal kula jira Argagaxiso caalami ah” ayuu yiri Pat Barnes.

Weeraro sanadadii lasoo dhaafay ka dhacayay gobollo dhaca Koonfurta Soomaaliya waxaa fulinayay ciidamo Mareykan iyo calooshood u shaqeystayaal Afrikaan ah waxaana la rumeysanyahay in wax guul ah oo muuqda aysan Mareykanku ka gaarin dagaalka ay dalka uga jiraan.

Donald Trump ayaa dhowaan soo saaray xeer dhigaya in Mareykanku uu duqeymo iyo weeraro aan kala sooc laheyn uu ka fulin doono gudaha Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items