Farmaajo iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada oo Ka Arrinsaday Shirka London Ka Dhici Doona.

Saturday April 15, 2017 - 21:18:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada oo Ka Arrinsaday Shirka London Ka Dhici Doona.

    Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan lixda Madaxweyne ee kajira dalka Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne loo doortay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan lixda Madaxweyne ee kajira dalka Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne loo doortay Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

Hoggaamiyaasha maamullada Puntland, Juballand,Hirshabelle,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray Muqdisho waxayna kulamo laleeyihiin Farmaajo.

Kulanka oo ah midkiisi ugu horreeyay ayuu Farmaajo warbixinno uga dhageysanayaan Hoggaamiyaashan oo si toos ah uga amar qaata dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Waxaan la ogeyn in maamul goboleeyadu sii wadi doonaan jallaafaynta DF-ka sidii lawada ogaa waqtigii Xasan Gurguurte iyo in ay daacad u noqon doonaan Villa Somalia.


Hoggaamiyaashan mid walba wuxuu sheegtaa madaxweyne u madax banaan arrimaha maamulkiisa waxay leeyihiin calamo ugaar ah iyo gole wasiirro.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saarayo dib ugurashada ciidamada Xabashida Itoobiya, dagaalka ka dhanka ah Shabaabul Mujaahidiin iyo shirka dhawaan lafilayo in uu ka furmo magaalada London.

Maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira iyo DF-ka ayaa wajahaya xaalad aad u adag waxaana soo dhawaaday waqtigii ay ciidamada AMISOM dalka isaga bixi lahaayeen.

Shirka ka dhici doono magaalada London ayaa lafilayaa in lagu gorfeeyo wixii u qabsoomay dowladaha maalgeliya duullaanka ciidamada AMISOM ay dalka ku joogaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo Muqdisho
[email protected]

Related Items