Dhageyso: Sheekh Fu'aad Oo Ka Hadlay Loolanka Melleteri ee Ka Socda Dalka Soomaaliya.

Sunday April 16, 2017 - 09:45:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Fu'aad Oo Ka Hadlay Loolanka Melleteri ee Ka Socda Dalka Soomaaliya.

    Isagoo Fagaare kuyaal degmada Salagle kula hadlayay boqolaal qof oo shacab ayuu Sheekh Fu'aad Max'med Khalaf ka hadlay duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isagoo Fagaare kuyaal degmada Salagle kula hadlayay boqolaal qof oo shacab ayuu Sheekh Fu'aad Max'med Khalaf ka hadlay duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen Dalka Soomaaliya.

Sheekh Fu'aad oo katirsan Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya uu marayo marxalad fashil ah islamarkaana shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay isbarbar taagaan  Mujaahidiinta.

Wuxuu soo hadal qaaday goodiskii ka yimid Donald Trump Hoggaamiyaha Cunsuriga Mareykanka ee ahaa in uu aag dagaal ka sameynayo dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada ay maamusho Xarakada Al Shabaab wuxuuna qorshahaas ku tilmaamay mid qar iska xoornimo ah.


Sheekh Fu'aad ayaa adkeeyay in marxaladdan ay dib ugurasho bilaabeen ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Itoobiya kadib dhiig bax sanado qaatay oo ay kala kulmeen dagaalka Soomaaliya wuxuuna rajeeyay in waqtiyada soo socda ay guulo kasoo bidhaami doonaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.


Halkan ka degso Muxaadarada Sheekh Fu'aad MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items