Mas'uul Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

Sunday April 16, 2017 - 13:06:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

    Weeraro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa saacadihii dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dilalka iyo qaraxyada ayaa joogta ah Muqdisho
Weeraro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa saacadihii dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoogaga hubeysan ayaa degmada Xamar Jajab ku dilay sarkaal katirsan madaxtooyada Villa Somalia iyo askari ilaala u ahaa.

Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Suuqa Xoolaha ugu magacaaban DF-ka ayaa ayaa isku dil ka badbaaday kadib markii la weeraray gaari uu la socday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in si dirqi ah uu ku badbaaday Max’med Laqaaye guddoomiyaha deegaanka Suuqa Xoolaha waxaana weerarkaasi lagu dilay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.


Weeraradan ayaa imaanaya xilli Farmaajo uu sheegay in uu ka laabtay dagaalkii uu Xarakada Al Shabaab ku iclaamiyay taasi bedelkeedna wadahadal ayuu ugu yeeray Hoggaanka Xarakada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items