Faah Faahin: Weeraro Isugu Jira Qaraxyo iyo Duqeymo Oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Duleedkeeda.

Sunday April 16, 2017 - 13:08:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Weeraro Isugu Jira Qaraxyo iyo Duqeymo Oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Duleedkeeda.

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa sheegaya in barqanimadii maanta ay ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ka Fuliyeen weeraro xoogan oo isugu jira qaraxyo iyo duqeymo kuwaas oo geystay khasaare xooggan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa sheegaya in barqanimadii maanta ay ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ay ka Fuliyeen weeraro xoogan oo isugu jira qaraxyo iyo duqeymo kuwaas oo geystay khasaare xooggan.



Mid ka mid ah weerarada oo ahaa duqeyn ayaa lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo mujaahidiinta ay ku garaaceen gantaallo dhowr ah.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa  idaacadda Andalus xaqiijiyey in ugu yaraan afar gantaal lagu dhuftay garoonka, kuwaas oo geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyadeed.



Weerarkaas kadib, Maleeshiyaat katirsan Dowladda Federaalka ayaa ku soo faafay xaafadaha degmada Wadajir si ay baaritaano kaga fuliyaan halkaas balse inta aysan soo gaarin goobihii ay ku soo jeedeen ayey weerar xoogan kala kulmeen ciidamo katirsan Al Shabaab oo halkaas ku diyaarsanaa sida ay baahisay warbaahinta Andalus.

Saraakiil katirsan Xarakada SHM ayaa  sheegay in maleeshiyaatka lala eegtay qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ka dibna uu xigay weerar  toos ah oo lagu beegsaday kolonyadooda.

Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaada la dirirka ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalkaas, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Dadka Deegaan ayaa sheegay in iska hor'imaad xooggan uu qabsaday ciidamada dowladda Federaalka.

Dhanka kale, Qarax loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa barqanimadii maanta lala eegtay gaadiid ay la socdeen Saraakiil iyo shaqaale ka tirsan Q.Midoobe  oo marayey meel u dhow deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan ayaa ka koobnaa Laba gaari oo nooca raaxada ah oo ay la socdeen Saraakiisha iyo laba gaari oo qooqano ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaatkii ilaalada u ahaa Saraakiisha, Waxaana qaraxu si gaar ah u beegsaday mid ka mid ah gaadiidkii ay la socdeen ciidamadii ilaalada u ahaa saraakiisha UN-ka.

Ilo Wareedyo ayaa noo xaqiijiyey in gaariga ay la socdeen maleeshiyaatka uu meesha ku burburay,Askartii saarnaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen goobta.

Weeraradan xooggan ee ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa imaanaya xilli hoggaanka dowlada Federaalka uu ballan qaaday in uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka waxaana muuqata in Al Shabaab ay si dardar leh uga xowlgelayso degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items