7 Askari oo Melleteriga Kenya looga Dilay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Hoosingoow.

Sunday April 16, 2017 - 21:13:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    7 Askari oo Melleteriga Kenya looga Dilay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Hoosingoow.

    Wararka ka imaanaya Wilaayada Jubbooyinka ayaa sheegaya in qarax xoogan maanta lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidamada soo duulayaasha Kenya xilli ay marayeen meel u dhow deegaanka Hoosingow ee ku dhow xad-beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Wilaayada Jubbooyinka ayaa sheegaya in qarax xoogan maanta lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidamada soo duulayaasha Kenya xilli ay marayeen meel u dhow deegaanka Hoosingow ee ku dhow xad-beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.


Qaraxan oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa gallaafatay nolosha ugu yaraan 7 ka mid ah ciidamada Kenya iyo shan askari oo ka mid ah maleeshiyaatkii la socday kolonyadaasi.

Mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Melleteriga  Kenya  ayaa sidoo kale la xaqiijiyey in lagu burburiyey qaraxaas, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar askari oo kale.


Kolonyadan ayaa la sheegay in ay gudbineysay Sahay ciidan oo ka timid gudaha Kenya oo ku sii jeedday qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada Kenya ee Jubbooyinka.

Guutada Qaraxyada Al Shabaab ayaa dhowr mar qaraxyo la eegatay ciidamo katirsan KDF xilliyada ay ku socdaalayaan waddooyinka ay saadka melleteri isaga kala gudbiyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items