Maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee wada shaqeynta wanaagsan laleh dowladda Itoobiya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay hareeraynta ay Xarakada Al Shabaab kusoo rogtay magaalooyin katirsan Gobollada Bay iyo Bakool oo gacanta cadawga kujira.
Shariif Xassan Sheekh Aadan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho
ayaa sheegay in magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo,Xudur iyo Diinsoor aan
dhanka Barriga laga geli Karin waxa kaliya ee magaalooyinkaas lagu tagi karo ay
tahay diyaarado.
Wuxuu carabaabay in Madaxda maamulka
Baydhabo ku sugan aysan awoodin in
gaadiid ay ku galaan magaalada sababa la xiriira Al Shabaab oo gacanta ku haaya
waddooyinka magaalada soo gala.
Shariif Xasan ayaa isweydiiyay sababta iyagoo kumanaan maleeshiyaad ah haysta
islamarkaana ay kaabayaan ciidamo Itoobiyaan ah ay u awoodi waayeen in
waddooyinka ay furtaan.
"Aniga waxaan aaminsanahay in haddii xoogga laysugu geeyo in jidadkaani xirnaan
Karin laakin in Al Shabaab afarta koono isugu goosho isagoo tirayar ah, inagoo
ciidamo badan ah oo caalamka iyo AMISOM nala joogaan aan Jidadka ku socan wayno
oo aan diyaaradaha aaminno dhibaataan u arkaa, marka dowladda soomaaliyeed
waxaan ka codsanaynaa in dadaalka ay dadaal ku darto” ayuu yiri Shariif Xassan.
Hoggaamiyaha maamulka Koonfur galbeed ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka in
ay kari waysay furidda waddooyinka.
Warkan calaancalka u muuqda ee kasoo yeeray Shariif Xassan ayaa imaanaya xilli
Al Shabaab ay ku guuleysatay siyaasadda go’doominta magaalooyinka gacanta
Ciidanka Itoobiya kujira arrinkaas oo kala daadiyay maamulladii dabadhilifyada
ahaa ugu dambeyntiina ciidanka Xabashida ku qasabtay in ay isaga baxaan dhowr
magaalo sida Ceelbuur,Halgan,Tayeegloow iyo kuwa kale.
Kamaaludiin Mustafa oo ah safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa horraantii bishan April sheegay in go'doominta magaalooyinka uu ciidamadooda ku qasbay in ay isaga baxaan dhowr magaalo oo ay horay uqabsadeen.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Shariif Xassan "Magaalooyinka Waddooyin aan Umarno Ayaan la'nahay, dhulkiina Shabaab ayaa loo daayay".
Maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee wada shaqeynta wanaagsan laleh dowladda Itoobiya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay hareeraynta ay Xarakada Al Shabaab kusoo rogtay magaalooyin katirsan Gobollada Bay iyo Bakool oo gacanta cadawga