Erdogaan oo Maroorsaday Xukunka Wadanka Kadib Aftidiid Dastuurka Cusub.

Monday April 17, 2017 - 10:57:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogaan oo Maroorsaday Xukunka Wadanka Kadib Aftidiid Dastuurka Cusub.

    Waxaa lasoo gaba gabeeyay murunkii ka taagnaa Afti laga qaaday shacabka wadanka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lasoo gaba gabeeyay murunkii ka taagnaa Afti laga qaaday shacabka wadanka Turkiga.



Aftidan oo awood dheeri ah siinaysa Erdogaan ayaa ka dhacday dhammaan gobollada wadanka Turkiga sida uu faafiyay Telefeshinka TRT ee afka xukuumadda ku hadla.

Dadkii codkooda dhiibtay ayaa badankood ku codeeyay (Haa) oo macnaheedu tahay in dastuurtka daaquutka wadanka Turkiga wax laga bedelay.

Wariyaal ku sugan magaalada Istanbuul ayaa soo sheegay in dabaal degyo waaweyn oo ay dhigayaan taageerayaasha Erdogaan ay ka bilaawdeen waddooyinka magaalada.



Natiijada codadka latiriyay ayaa muujinaysa in Erdogaan uu ku guuleystay dhaqan gelinta Dastuurkan awoodda shakhsiyadeed usiinaya arrimaha maamulka wadanka.

51.3% ayaa ku Codeeyay (Haa) halka 48.65% ay ku codeeyeen (Maya), kooxaha mucaaradka waxay sheegeen in Aftidu ay u dhacday qaab aan sax ahayn.

Erdogaan ayaa awood u yeelanaya in uu soo magacaabo golaha wasiirrada, in uu kala diri karo golaha Baarlamaanka iyo in uu soo magacaabo Taliyaasha ciidamada.

Sidoo kale awoodaha dheeriga ah ee uu Erdogaan helayo waxaa kamid ah in uu wadanka xaalad deg deg ah kusoo rogi karo isagoo aan cidna kala tashan iyo in uu magacaabi karo madaxweyne ku xigeenka.

Dastuurkan cusub ee Turkiga ayaa meesha ka saaraya jagada R/wasaaraha wuxuuna Turkigu lamid noqonayaa hab maamulka Mareykanka oo aan laheyn R/wasaare waxaana marwalba golaha wasiirrada soo magacaaba madaxweynaha.

Hoggaamiyaasha Mucaaradka Turkiga ayaa tallaabadan ku sifeeyay kaligiis talinismo sii fogeyn karta hankii Ankara ay ka laheyd ku biiritaanka Ururka Midowga Yurub.

Dowladda Turkiga ayaa xubin ka ah Ururka NATO waana dowlad ku dhaqanta Nidaamka Calmaaniga islaam naceybka ku dhisan sidoo kale dowladdan ayaa kaalinta hore uga jirta ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items