Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka DF-ka oo Lagu Dilay Degmada Wardhiigleey Ee Magaalada Muqdisho.

Monday April 17, 2017 - 11:23:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka DF-ka oo Lagu Dilay Degmada Wardhiigleey Ee Magaalada Muqdisho.

    Inkastoo wasaaradda ammaanka DF-ka ay sheegtay in ay qabatay hub iyo walxaha qarxa hadane wali magaalada Muqdisho waxaa kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo wasaaradda ammaanka DF-ka ay sheegtay in ay qabatay hub iyo walxaha qarxa hadane wali magaalada Muqdisho waxaa kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda.

Xoogag hubeysan ayaa xalay degmada Wardhiigleey ku dilay mid kamida saraakiisha sirdoonka Dowladda Federaalka sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Ceydiid ayaa lagu dilay xaafadda Siinaay, sarkaalka ladilay ayaa watay bastoolad wuxuuna kamid ahaa sirdoonka DF-ka kuwa loo yaqaan dhar cadda.

Xarakada Al Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka geysanayso magaalada Muqdisho, shalay ayay aheyd markii weeraro ay ka dhaceen degmada Wadajir iyo degeaanka KM13.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items