Cudurka Shubanka oo Tobaneeyo Qof Ku Dilay Degmada Caynaba.

Monday April 17, 2017 - 11:23:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Shubanka oo Tobaneeyo Qof Ku Dilay Degmada Caynaba.

    Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi Galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu dad badan ku laayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi Galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu dad badan ku laayay.

Ugu yaraan 12 qof oo ubadan carruur iyo haween ayaa cudurka shubanka ugu dhimatay deegaan hoos yimaad magaalada Caynaba halka tobaneeyo kale ay la ildaranyihiin.

Deegaanka Gobjanno oo hoostaga degmada Caynaba ayaa lasheegay in cudurku uu faraba ba’an ku haayo islamarkaana uu maalin walba soo ridanayo dad hor leh.

Caaqil Jaamac Max’med Cawad ayaa BBC-da laanta Af Soomaaliga u sheegay in 90 qof ay la jiifaan cudurka shubanka isagoo muujiyay cabsi ah in dad badan ay udhintaan xanuunka.


Sababta uu ku faafayo cudurka ayuu ku sheegay abaarta oo daba dheeraatay iyo ceelashii biyaha oo guray, wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanka Ceynaba uusan laheyn wax isbitaal ah  iyadoona Bukaanada uu soo ritay cudurka shubanka la jiifiyay iskuulka weyn ee deegaanka.

Abaarta ku dhufatay dhammaan gobollada dalka Soomaaliya ayaa geysanaysa dhibaata aad udaran, inkastoo gurmadyo ay isku fidinayaan shacabka Soomaaliyeed hadane waxaa muuqata in dhibaatadu ay tahay mid ka baaxad weyn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items