Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara xooggan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.
Maanta gelinkii dambe ayuu qarax xooggan haleelay kolonyo katirsan ciidamada
Uganda xilli ay kusii jeedeen magaalada xeebta leh ee Baraawe.
Goob joogayaal ayaa sheegay in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidamada
AMISOM uu ku gubtay qaraxa xilli ay kolonyo melleteri ku socdaalaysay deegaanka
Cambareey.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ciidamada
Uganda ee qeybta ka ah AMISOM uu kasoo gaaray qaraxii maanta.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan sida ay baahisay
Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaano katirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa dagaal ugala sidii ay saad melleteri ugaarsiin lahaayeen
saldhigyada melleteri ee kuyaal magaalooyin ay kamid yihiin Buula Mareer,
Shalaanbood iyo Baraawe.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Weerar Gaari looga Gubay Ciidamada Uganda oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baraawe.
Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara xooggan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM.