Mareykanka Oo Beeniyay Warar Sheegayay in Duqeyn Khasaara Dhalisay Uu Ka Fuliyay Koonfurta Soomaaliya.

Tuesday April 18, 2017 - 13:18:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Beeniyay Warar Sheegayay in Duqeyn Khasaara Dhalisay Uu Ka Fuliyay Koonfurta Soomaaliya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda G/dhigga Mareykanka (The Pentagon) ayaa lagu beeniyay warar ay faafiyeen qaar katirsan wakaaladaha wararka oo sheegayay in Mareykanku duqeyn hor leh ka geystay Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda G/dhigga Mareykanka (The Pentagon) ayaa lagu beeniyay warar ay faafiyeen qaar katirsan wakaaladaha wararka oo sheegayay in Mareykanku duqeyn hor leh ka geystay Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in waxba aysan ka jirin war maalmo ka hor ay faafisay wakaaladda wararka shiinaha ee (Xinhua), warkaas oo ahaa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn  ee Drone-ka loo yaqaan ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo islamarkaana ay ku dileen 100 dagaalyahan oo katirsan Xarakada Al Shabaab.

"Wararka ay faafiyeen Baraha Bulshada oo ay kujirto wakaaladda Xinhua waa waxba kama jiraan, Mareykanku duqeyn hor leh kama geysan Koonfurta Somaliaā€¯ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.


Inkastoo Donald Trump hoggaamiyaha cunsuriga Mareykanka uu ku hanjabay in uu sare uqaadi doono weerarada ka dhanka Xarakada Al Shabaab balse illaa iyo hadda Mareykanku wax duqeyn ah kama geysan Soomaaliya tan iyo markii Obama uu shaqada ka tagay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items